Maxaa kala socotaa heshiis beesha Caalamku damiin ka hayd oo dhexmaray DFS iyo Puntland? [AKHRI]
GAROWE, Puntland- Iyadoo lagu jiro dhammaadka muddo xileedka hay'adaha dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa wali kala caddayn qaabka ay noqon doonto doorashooyinka la filayo in la qabto 2020 iyo nidaamka la raaci doono maadama aysan jirin hishiis wadashaqayn ee u dhexeeya DFS, maamul goboleedyada iyo qaybaha kala duwan ee siyaasadda Soomaaliya. Dowladda uu hogaaminayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee la dhisay horaantii 2017 ayaa waxaa lagu doortay doorasho xulitaanka Xildhibaanada lagu saleeyay nidaamka wax qaybsiga beelaha ee 4.5 taasoo 2016 la isku raacay inaan dib loogu noqon.
Hadaba booqasho qaadatay 20kii Maarso ilaa saddexdii Abriil 2016 ayaa Puntland waxaa ku yimid wafdi ka soda dowladda Federaalka Soomaaliya oo hogaaminayay Ra'isa wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo wakiilladii beesha Caalamka oo ay kamid ahaayeen; Wasiirkii Arrimaha Dibadda Ethiopia ahaana Guddoomiyaha wasiirrada Arrimaha dibadda IGAD Tedros Adhanom, wakiilkii xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Michael Keating, Danjirihii urur goboleedka IGAD Maxamed Cabdi Afey, Xoghayihii guud ee ururka IGAD Maxbuub Macalin, Wakiilkii Midowga Yurub Michele Cervona, Danjirayaasha dowlaha Turkiga, Isutagga Imaaraadka Carabta, Talyaaniga, Sweden iyo Jabuuti. Booqashadaas ayaa daba socotay kadib markii Dowladdii Madaxweyne Gaas afti ay ka qaaday shacabka Puntland diidmo xoogan ka muujiyeen in nidaamka doorasho ee Soomaaliya ee markaas jirey (2016) aan lagu salayn hab-beeleedka 4.5.
Wadaxaajoodkii dhexmaray waqtigaas Puntland iyo Dowladda Federaalka ayna damiin ( Grantor) ka ahayd beesha Caalamka ayaa waxaa lagu heshiiyay qodobo ay ugu muhiimsanayd Meelmarinta Doorashooyinka 2016 taaso macnaheedu ahayd in labada dhinac ay isla garteen waxqaybsiga nidaam beeleedka 4.5 aan lagu soo xuli doonin Xildhibaanada Barlamaanka qaran, laguna dhaqmi doonin Soomaaliya wixii ka dambeeya sannadkaas (2016). Qodobka kale ee ugu muhiimsanaa heshiiskaas wuxuu ahaaa in la hirgaliyo dhismaha Aqalka sare ee Baarlamaanka oo dowladdii Xasan Sheekh ka baaqsatay inay hirgaliso qodobadii Dastuurka KMG ah ee dalbannayey in la dhiso aqalka sare, waxaana qodobkaasi hoosta ka xarriiqay in dhismaha Aqalka sare ka hormaro kan golaha shacabka sidii ay horay u soo jeedisay DFS.
Qodobkii ugu dambeeyay heshiiskaas ee macnaha weyn samaynayay wuxuu ahaa; dammaanad qaadka beesha Caalamka oo ku salaysnaa sii wadida wadahadallada DFS iyo Puntland, dib u eegista Dastuurka iyo Federaalaynta, qaybsiga deeqaha caalamiga ah, hormarinta mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha, wada-shaqaynta iyo xoojinta arrimaha ammaanka, islamarkaana waxay taageereen meelmarinta heshiisyadaas. Dhammaan waxaa wada-saxiixay qodobadaas xubnaha beesha Caalamka ee ku qoran heshiiska.
Hab qaybbsiga beelaha ee loo yaqaan 4.5 ayaa waxaa lagu qaatay dalka Jabuuti magaalada Carta wadahadalladii ay ka qaybgaleen siyaasiyiinta iyo ururrada bulshada Soomaaliya ee lagu dhisay dowladdii uu hogaaminayay Cabdiqaasim Salaad Xasan, oo ujeedku ahaa in muddo kooban lagu qaybsado awoodaha dowaldda si dib loogu soo kabto bur-burkii gaaray hay'adaha dowladda xilligii dagaalka sokeeye.
Nidaamka 4.5 waa mid aan Dastuuri ahayn islamarkaana kuma saleysna caddaalad sida qabaa'ilka Soomaalida loogu qaybiyey kuraasta Baarlamaanka mana jirto tiro-koob dad oo la sameeyey iyo deegaan la kala dagan yahay oo lagu saleeyey.
Nidaamka wax qaybsiga beelaha oo soo jiitamayay muddo 20 sano ah ayaa markii ugu dambaysay 2016 shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool Puntland dareemeen inuu yahay mid aan caddaalad ku dhisnayn islamarkaana keenay khilaaf siyaasadeed oo joogta ah iyo is-qabqabsi maadaama hay'adaha dowladda ee qaran aysan ka jirin matalaad dhab ah oo isu dheelitiran.
Beesha Caalamka oo tan iyo intii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya (1991) faraha kula jirtay arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda ayaa haba yaraatee sida ka muuqata heshiiska hoose aan xil iska saarin kuna riixin dowladihii isaga dambeeyay talada dalka in qabka doorasho ee dalka uu noqdo mid hal cod iyo hal qof ah lehna dastuur dhammaystiran oo lagu dhaqmo.
GAROWE ONLINE