Maxay Ilaalada Karaash u weeraraan saldhiga booliiska Garowe?
GAROWE - Ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axamad Karaash ayaa habeenkii xalay weerarey xarunta Tarfikada Garowe.
Weerarkaan ayaa dhacey kadib markii ciidanka Tarafikada qabteen gaari ay ka shakiyeen kaas oo darewalkii wadey lagu xirey saldhiga dhexe ee magaalada Garowe.
"Xariga Darewalka gaariga wadey kadib ayaa waxaa aqalka Madaxweyne ku xigeenka Puntland ka soo baxay Todobo askari oo hubeysan kuwaas oo yimid saldhiga dhexe ee ku yaal barmaha magaalada Garowe waxayna dalbadeen in loo sii daayo ninkii halkaas ku xiraa, arinkaas-na waxaa diidey Booliiska," Sidaas waxaa GO u sheegey sarkaal ka tirsan Booliiska Garowe.
Askartaan ayaa markii ay dib uga soo noqdeen saldhiga ayaa waxay rasaas xoogan oo aan loo meel dayin ku fureen xarunta Tarafikada halkaas oo uu ku dhaawacmey mid kamid ah askartii ku sugneyd xeradaas.
Wararka aan ka heleyno Booliiska Garowe ayaa sheegaya in Askartii Todobada aheyd ee weerartey xarunta Tarafikada la soo qabtey kuna jiraan gacanta ciidamada amniga.
Guriga Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ku yaal agagaarka Madaxtooyadii hore ee Puntland, waxaana uu ka soo horjeeda xarunta Tarafikada Puntland iyo Barlamanka.
Ma aha markii ugu horeysay askarta Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo booliiska isku dhacaan. Sanadkii 2020 ayay aheyd markii askar booliis ah iyo ilaalo ka tirsan Madaxweyne ku xigeenka is-rasaaseyn dhexmartey uu ku dhintey askari kamid ah Ilaalada gaarka ee Axmad Karaash.
Magaalada Garowe ayaa waxa amni daro ba'an ku haya ciidamo kala duwan oo ku sugan kuwaasoo mararka qaarkood isku dhacyo dhexmaraan.
Ciidamdaan ayaa dhinaca kale siyaabo kala duwan ugu lug yeesha fal-dambiyeedyada iyo amni darada soo foodsaarta magaalada mararka qaarkood.
GAROWE ONLINE