Gadoodka ciidamada iyo garowshiinyo la'aanta xukuumadda Puntland
FAALADA WARKA, Sept 18,2015 (GO)- Cabashada shaqaalaha dowladda Puntland ee la xiriirta mushahar la'aantu waxay ahayd mid soo taxnayd laga soo bilaabo markii xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas xukunka la wareegtey, January 2014.
Tan iyo xilligaas, shaqaalaha dowladdu si toos ah mushaharaadkooda uma qaadan, waxayna noqotay markii ugu horreysey taariikhda Puntland ee muddo siddeed bilood oo isku xigta ah shaqaalaha dowladdu xuquuqdooda waayaan.
Inkastoo arrintani si guud u saameysey dhammaan hawlaha hay'adaha dowliga iyo shaqaalahooda, waxay hadana si gaar ah usii taabatay ciidamada, iyadoo horseedday in labo sano gudahood, toban mar ka badan ciidamadu gadood sameeyaan.
Qormadan kooban waxan ku iftiimin doonnaa sababaha kallifay mushahar la'aanta, shakiga laga qabo habka loo maamulo maaliyadda, qaabka uu dakhliga dowladdu ku baxo iyo weliba waxa la fili karo haddii ay xaaladdu sidan kusii socoto.
Maxaa keenay in la waayo mushaharka shaqaalaha dowladda?
Waa su'aal badi dadka reer Puntland isweydiiyaan marka ay maqlaan ciidamo gadood sameeyey ama shaqaale dowladeed oo mushahar la'aan ka cabanaya. Waa su'aal marar badan kusoo noq noqotey dhegaha muwaadin kasta oo reer Punltand ah, welina aysan jirin cid jawaabtii ku haboonayd ka bixisay. Waa su'aal jawaabteeda looga fadhiyo xukuumadda, balse u muuqata in dhegaha laga furaystey.
Mushaharaadka baaqday, waxay madaxda ugu sarreysa Puntland ku sababeeyeen hoos u dhac dhaqaale oo yimid sanadkii hore ee 2014, balse dadka arrimaha siyaasadda u dhuun-daloola ayaa hadalkaas sheki geliyey, kuna tilmaamay cudur daar aan lagu qanci karin.
Madaxweynaha oo kulamo xog-wareysi ah la qaatey bulshada reer Puntland ee ku nool wadanka dibaddiisa ayaa tan intii u dhexeysay 2014-2015 beeniyey in gabi ahaanba in xukuumadiisa aysan jirin mushaharaad lagu leeyahay.
Dowladdu waxay dhanka kale shaacisay inay dejisey siyaasad dib loogu soo kobcinayo dhaqaalaha, waxaana jirey tallaabooyin badan oo la qaaday, si loo kobciyo dakhliga, tallaabooyinkaas waxaa laga xusi karaa:
- Kordhinta iyo dhiirigelinta cashuuraha berriga.
- Kordhinta cashuuraha laga qaado hay'adaha caalamiga ah iyo shaqaalaha ajnebiga ah.
- Cashuuro lagu soo rogey shaqaalaha xarumaha tacliinta sare (jaamacadaha).
- Kordhinta cashuuraha laga qaado shirkadaha ganacsiga iyo meheradaha yaryar.
Dhaqaalo xumada haysa wasaaradaha dowlada
Wasaaradaha Dowlada Puntland ayaa waxaa lasoo gudboonaatey bilihii ugu dambeeyey dhaqaale xumo ba'an taasoo sababtey in gaabis ku yimaado howl-maalmeedkii joogtada ahaa, kadib markii Madaxweyne Gaas amar ku baxiyey in la joojiyo lacago curraar ah (lacago gunnooyin ah) oo ay qaadan jiireen.
Curraartu waa boqoley ka madaxbanaan mushaharka shaqaalaha taasoo wasaaraddu ku fuliso howlaha loo idmadey, hay'adaha dowlada oo qaata ayaa waxaa kamid ahaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaarada Waxbarshada, iyo Wasaaradda Aminga.
Daabicista lacag Shilin Soomaali ah!
Iyadoo ay sidaas tahay, dakhliga dowladduna kobcay sanadkan 2015 marka loo barbardhigo sanadkii tegey ee 2014, waxaa weli jira hal-xiraaleyaal badan oon la furin iyo su'aalo dhowr oo dadku had iyo jeer isweydiinayaan, su'aalahaas waxaa kamid ah: Xagee dakhliga Dowladdu ku baxaa? Dowladdu lacag waa heshaaye maxay u bixin la'dahay xuquuqda shaqaalaha? Lacagta Bosaso lagu daabacayo dhulka miyaa laqa? Halkee ayey salaaddu iska qaban la'dahay?...iyo qaar kaloo badan.
Marka laga yimaado sheegashada xukuumada, sheki badan ayaa ku xeeran qaabka uu ku baxo dakhliga dowladdu iyo weliba habka loo maareeyo maaliyadda, waana sababta keentay in qaar badan oo kamid ah deeq-bixiyeyaasha caalamiga ahi hoos u dhigaan taageeradii dhaqaale ee ay ku kaabi jireen Puntland.
Shakiga beesha caalamka ayaa iftiiminaya in dhakhliga dowladda aan loo qaybin si cadaalad ah, taasoo marka si kale loo fasiro noqonaysa in uu jiro musuq maasuq baahsan oo horseeday in inta caloola-weynta ahi dheregto, shaqaalaha hoosena ay qadaan.
Dhammaan arrimahaas kor ku xusan oo is biirsaday ayaa sababay dhaqaale burburka jira iyo in shaqaalaha dowladdu xuquuqdooda waayaan.
Daabicista Lacagta Faalsada iyo Halista Ku Xeeran
Horraantii sanadkan 2015, dowladda oo kaashaneysa shakhsiyaad isugu jira ganacsato iyo dulaalo, waxay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari ka hirgelisey warshad yar oo loogu talo galay inay soo saarto lacagta Shilin Soomaaliga ah. Mashruuca lacag daabicista xukuumadu waxay bilowgii hore aad isugu daydey inay qariso, balse markii laga wada war helay ayaa la shaaciyey.
Daabicista lacagta faalsada waxay xukuumada ku micneysey si aan toos aheyn in lagu bixin doono xuquuqda ka maqan shaqaalaha iyo deymaha dowladdu qabto, waxay sidoo kale sheegtay in lacagtan cusub loogu talo galay inay bedesho Shilin Soomaaligii hore ee duugoobey.
Qaar badan oo kamid ah aqoon-yahannada Puntland ee darsa culuunta dhaqaalaha iyo maaliyadda ayaa qaba fikir khilaafsan midka dowladda Cabdiweli Gaas hoggaaminayaa ay la timid, waxayna walaac badan ka muujiyeen in xilligan la daabaco lacag Shilin Soomaali ah.
Qodobada ay cuskanayaan xeel-dheereyaasha dhaqaaluhu waxaa ugu muhiimsan:
- In daabicista Shlin Soomaaligu horseedi doonto sicir-babar iyo in qiimaha Shilinku aad hoos ugu dhaco.
- Suurogalnimada in lacagta la daabacayo badankeedu ku dhicin khasnadda dowladda balse loo adeegsan karo si khaldan.
- In qaab aan sharci ahayn (suuq-madow) lagu daabici karo lacag badan oo Shilin Soomaali ah maadaama ay adag tahay in lakala saaro lacagta dowladdu daabacday iyo kuwa sida gaarka ah suuqayada ugu jirey.
Tijaabooyinka xun ee laga dhaxlay lacag daabicista waxaa lagu xusuustaa sicir-bararkii ka dhacay Puntland xiligii dowladdii Cadde Muuse, gaar ahaan intii u dhexeysey 2005-2008, markaasoo qiimaha halka doolar kor u dhaafay 40,000 (afartan kun) oo shilinka Soomaaliga ah.
Gadoodka Ciidamada
Heerka ay gaarsiisan tahay awoodda dhaqaale iyo midda siyaasadeed ee dowladi leedahay waxaa lagu qiyaasaa taageerada ay ka haysato ciidankeeda. Amar-diiddada joogtada ah ee ciidanka oo siyaabo badan ku timaadda waxay sumcad darro u keentaa maamulka ay markaas hoos tagaan.
Waxaa iska caadi noqotay in bilihii ugu dambeeyey qaybo kamid ah ciidamada Puntland ay gadood sameeyaan, islamarkaana jidadka xiraan iyagoo dalbanaya in la siiyo xuquuqda ka maqan.
Arrintani ugub maaha, balse waa markii ugu horreysey ee muddo sanad gudihiiis ah toban jeer ka badan ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntalnd gadood sameeyaan.
Intii lagu guda jirey bishan September oo qura, saddex mar ayey ciidamo ka tirsan Daraawiishta iyo Boolisku gadood ka sameeyeen magaalooyinka Bosaso, Garowe iyo Galkacayo.
Si marka loo eego waa wax fool xun, lidna ku ah sumcadda iyo dowladnimada Puntland, balse cabashada ciidanku waa mid lagu xallin karo si fudud; waa haddii dowladdu xil weyn iska saartee.
Puntland oo maanta ku jirta xaalad adag, leh cadowyo badan, sugidda amnigeeduna tahay muhiimadda koowaad, waxaa dadka caqliga u saaxiibka ahi garowsan yihiin in amnigeeda uusan adkeyn karin askari difaac ku jira isagoo qatan dhowr bilood.
Talo Soo Jeedin
- Si loo helo shaqaale dowladeed oo si hufan dalkooda ugu adeega, kana madax bannaan laaluush iyo wax-is-daba marin, dowladdu waa inay si joogto ah u bixisaa mushaharaadka iyo gunnooyinka la siiyo shaqaalaha dowladda, gaar ahaan ciidamada oo laf-dhabar u ah amniga iyo kala dambeynta deegaanada Puntland ku ammaanan yihiin.
- Dowladda waxaa la gudboon inay siyaasad cad ka yeelato kobcinta dhaqaalaha dalka iyo weliba maareynta dakhliga dowladda.
- Hantida dowladdu waa inay noqotaa mid ilaashan ciddii ku tagri fashana waa in sharciga lasoo taagaa.
- Daabicista lacagta waa iney noqotaa mid gabi ahaanba la joojiyo islamarkaana la wafaajiyo shuruucda caalimiga ah, Puntland waxay kamid tahay Dowladda Federaalka mana daabaci karto mana yeelan karto siyaasad lacageed ee ka madax banaan Dowladda Federaalka.
- Dowladdu waa inay xoojisaa xiriirkeeda caalamiga ah, islamarkaana xoogga saartaa sidii ay dib ugu kasban lahayd kalsoonida beesha caalamka, si loo siiyo taageero dhaqaale iyo mid farsamo.
NB: Xukuumada Cabdiweli Maxamad Cali Gaas waxay xil gaar ah iska saartey oo kaliya sidii xildhibanaada Puntland bil kasta u heli lahayeen mushahrkooda taasoo weliba aan laga siin dakhliga dhexe ee dowlada balse sida Garowe Online xog hoose ku heshay waxaa laga bixiyaa cashuurta kasoo xeroota gobolka Nugaal.
"Madaxweynaha iyo xukuumaddiisu waxay ku dadaaleen inay iska jeediyaan indhaha xildhibaannada baarlammaanka...waana sababta keentay in aan mushaharaadkeena si toos ah u qaadano" sidaas waxaa yiri xildhibaan codsaday inaan magaciisa la baahin oo u warramay Garowe Online.
GAROWE ONLINE