Musharaxiinta: Puntland waxay tusaale u tahay Soomaaliya

Image
Midowga Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya oo shir jaraa'id ka hadlaya. [File Photo: Online]

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa dowlada iyo shacabka Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da August oo ay ku beegan tahay maalinta aas-aaska maamulkan.

Sanad-guurada sanadkan waa in Puntland ay 23-sano jirsatay maadaama la aas-aasay 1998-kii. Soomaaliya ayaa colaad sokeeye gashay 1991-dii waxaana la riday dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

Dhamaan musharaxiinta hambalyadda diray waxay si mideysan u qireen in Puntland ay hormuud u tahay dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo nidaamka hirgalay ee federaalka oo iyadda ay dalka ugu horeysay.

Xasan Cali Khayre:

"Reer Puntland oo ay ugu horeeyaan Isimada iyo duubabka dhaqanka waxey ku guuleysteen, Soomaalida inteeda kalena hormuud iyo tusaale muuqda ugu noqdeen yagleelidda iyo dhismaha maamul shaqeynaya oo reer Puntland ay ku midaysan yihiin".

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame:

"Waxaan ugu hambalyeynayaa shacabka iyo dowlad goboleedka Puntland sannad guurada 23-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii Puntland. Waxaan madaxweyne Deni ugu hambalyeynayaa guulaha uu ka gaaray muddadii u xilka hayey, dib u habeynta ciidanka, maaliyadda iyo dadaalka ku aaddan ibbo furka hirgelinta hannaanka dimoqoraadiyeynta. Waxaana u rejeynayaa qabyatir ka guulahaas inta ka harsan muddo xileedkiisa".

Cabdikarin Xuseen Guuleed:

"Shacabka reer Puntland waxay had iyo jeer hormuud u yihiin una ahaayeen dowlad dhiska Soomaaliya iyo Soomaali jaceylka, waxaana taas marag u ah shirarkii Garowe ee dalka ku meel gaarka looga saaray, dastuurka ku meel gaarka ahna lagu soo sameeyay".

Cabdullaahi Cosoble Cali:

"Waxa ay ku ammaananyihiin nabbad-galyada iyo horumarka ay ku soo dabbaaleen deegaannadooda. Reer Puntland waa dad Soomaalinimada ay ku weyntahay, udub-dhexaadna u ah nidaamka Federaalka Soomaaliya".

Magaalada Garowe iyo qeybaha kamid ah dunida waxaa ka soconeysa qaban-qaabada munaasabado waaweyn oo lagu weynayo maalintan, iyadda oo la rajeynayo in ay ka hadlaan madax ayna diirada saarnaa dhismaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM