Puntland: Dardargelinta coddeynta Aqalka Hoose oo laga shiray

Image
Image
Image
Madaxwayne Deni iyo guddiga doorashada heer federaal ayaa ku kulmay Garowe.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay xubno ka socda Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal.

Wafdiga oo kasoo kicitay magaalada caasimadda u ah Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa hoggaaminayay guddoomiyaha guddigaas, Maxamed Xasan Ciro .

Guddiga ayaa ugu horeyn Madaxweynaha iyo guud ahaan Puntland ugu hambalyeeyay qabashada doorashadii goleyaasha deegaanka hal qof iyo hal cod ee ka dhacday Ufeyn , Qardho iyo Eyl.

"Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Doorashada Soomaaliya , gaar ahaan sidii loo dardagelin lahaa Doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka," ayay madaxtooyaddu ku tiri war qoraal ah.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Waxaa kulanka ka qeybgalay Guddiga Doorashooyinka ee heer Federaal (FEIT), Guddiga Doorashadda ee heer Puntland (SEIT) iyo Saraakiil Madaxtooyo".

Dhanka kale, sarkaal u hadlay guddiga ayaa u sheegay Garowe Online in ay madaxwayne Deni u caddeeyay in Puntland u diyaarsan tahay coddeynta ayna bilaabeyso dhowaan.

Doorashadda Aqalka Hoose ayaan wali caddeyn goorta ay bilaabaneyso. Hase ahaatee, waxaa qaar kamid ah maamuladda iyo magaala madaxda Muqdisho ka soconaya qabanqaabo ballaaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM