Puntland: Dardargelinta coddeynta Aqalka Hoose oo laga shiray

Image
Image
Image
Madaxwayne Deni iyo guddiga doorashada heer federaal ayaa ku kulmay Garowe.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay xubno ka socda Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal.

Wafdiga oo kasoo kicitay magaalada caasimadda u ah Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa hoggaaminayay guddoomiyaha guddigaas, Maxamed Xasan Ciro .

Guddiga ayaa ugu horeyn Madaxweynaha iyo guud ahaan Puntland ugu hambalyeeyay qabashada doorashadii goleyaasha deegaanka hal qof iyo hal cod ee ka dhacday Ufeyn , Qardho iyo Eyl.

"Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Doorashada Soomaaliya , gaar ahaan sidii loo dardagelin lahaa Doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka," ayay madaxtooyaddu ku tiri war qoraal ah.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Waxaa kulanka ka qeybgalay Guddiga Doorashooyinka ee heer Federaal (FEIT), Guddiga Doorashadda ee heer Puntland (SEIT) iyo Saraakiil Madaxtooyo".

Dhanka kale, sarkaal u hadlay guddiga ayaa u sheegay Garowe Online in ay madaxwayne Deni u caddeeyay in Puntland u diyaarsan tahay coddeynta ayna bilaabeyso dhowaan.

Doorashadda Aqalka Hoose ayaan wali caddeyn goorta ay bilaabaneyso. Hase ahaatee, waxaa qaar kamid ah maamuladda iyo magaala madaxda Muqdisho ka soconaya qabanqaabo ballaaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM