Puntland iyo Galmudug oo u midoobay baacsiga Al-Shabaab

Image
Image
Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa halis ku ah doorashooyinka heer federaal ee dalka u dareeray.

GAALKACYO, Puntland - Dowladaha Puntland iyo Galmudug ayaa waxay u midoobeen la dagaalanka Al-Shabaab gaar ahaan howlgal bilooyinkii lasoo dhaafay ka socday qaybo kamid ah gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Cabdiladiif Muuse Nuur, guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook-ga wuxuu cod dheer ku sheegay in uu "dhamaadey afduubkii kooxdu ku heysatay bulshadda".

"Al-Shabaab Gabalkoodii baa dhacay, way dhamaatay Bulshadii iyo deegaamadii aad afduubka ku haysan jireen sanadaha ilaa Xaradheere oo xoraa inoo balama, waxaan u midownay Dagaalka Argagixisada, Saraakiisha iyo Ciidamadana Guul baan urajaynayaa," ayuu yiri.

Isla Axadii todobaadkan, mas'uuliyiin ka kala socotay Puntland iyo Galmudug ayay ahayd markii dhinacyadu ku heshiiyeen in ay isku-dhafaan gaadiidka iyo ciidamadda si howlgal uu u noqdo mid wadajir ah.

"Dowladda Puntland iyo Shacabkeeduba waxay markasta diyaar uyihiin qayb ka noqoshada Dagaalka Argagixisada iyo Taageerada Walaalahood Galmudug si niyadsami leh, insha allaah waana ka guulaysan doonaa Argagixisada wayna soodhamaatay wakhtigii ay Shacabka iyo Degmooyinka Soomaaliyeed u afduubnaan jireen," ayuu Nuur tibaaxay kadib shirka.

Puntland ayaa dhigeeda Galmudug waxay ku wareejisay gaadiid dagaal iyo saanad kuwaasoo lagu waramay in ay maamulka caasimadiisu tahay Dhuusamareeb kaga xayirneyd dekada magaalada ganacsiga ee Boosaaso.

Iskaashigan ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan warar sheegaya in ciidamada Galmudug ay soo food-saartey saanad yari isla markaana Villa Soomaaliya ay ku gacan-seyrtay dalab ku aadanaa gurmad deg-deg ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM