Puntland iyo UN-ka oo ka shiray doorashada Aqalka Sare

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Deni ayaa Isniinta maanta ah wuxuu qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho iyo wafdi ballaaran oo ay hoggaaminayso.

Sida ay sheegtay Madaxtooyada, kulanka ayaa "looga hadlay guud ahaan xaaladda dalka oo ay ugu horeyso arrimaha Doorashooyinka oo la filayo in Aqalka Sare ay dhowaan bilowmaan".

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho iyo wafdi ay Hoggaaminayso," ayaa lagu daabacay barta Facebook-ga ee Madaxtooyada.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Kulanka oo ay ka qeybgaleen Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland, waxaa  looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, oo ay ugu horeyso arrimaha Doorashooyinka oo la filayo in Aqalka Sare ay dhowaan bilowmaan".

Dhanka kale, wafdiga ayaa wuxuu tagay xarunta baarlamaanka dowladda Puntland halkaasoo ay kula shireen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Cabdirashiid  Yuusuf Jibriil

"Guddoomiyaha Golaha Wakiillada  DPL Mudane, Cabdirashiid  Yuusuf Jibriil ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay Hoggaaminayso  Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay baarlamaanka.

War-saxaafadeedka ayaa la raaciyey: "Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilladda iyo Saraakiisha Xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland".

"Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan Xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka DFS iyo xoojinta wada shaqeynta Golaha Wakiilladda Puntland iyo Qaramada midoobay," ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Doorashadda Aqalka Sare ayaa qorshuhu ahaa in ay qabsoonto 25-ka July, 2021. Balse, sidda muuqata waxaa ku yimid dib-u-dhac. Ma cadda goorta ay qabsoomeyso. Madaxdu waxay ku heshiisay in la bilaabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM