Puntland oo casrineysa adeegyadda caafimaadka

Image
Adeega caafimaadka ayaa kamid ah adeegyadda bulsbaddu tahay in ay si bilaash ah uga helaan dowladnimada.

GAROWE, Puntland - Wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland ayaa maanta tababar soconayay 7 maalmood usoo xirtay haweenka ka shaqeeya 260 tuulo oo ku yaala dhamaan deegaanadda Puntland kuwaas oo lagu magacaabo Marwo Caafimaad.

Wasiirka wasaaradda, agaasimaha Guud iyo agaasimaha waaxda caafimaadka asaasiga ah saraakiil ka socotay hay’adda PSI ayaa ka qaybgalay xiritaanka tababarkaan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan oo hadal kooban ka jeediyay xiritaanka tababarka ayaa sheegay:-

“Waxaan ku faraxsanahay maanta inaan idinkala soo qaybgalo xiritaanka tababarkaan socday 7 maalmood kaasoo lagu tababaray 260 haweenka Marwo caafimaad kana kala dhacay magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso. Tababarka qaybta Garowe ka socotay ayaa waxaa ka qaybgalay habeen ku dhaw 100 kuwaasi oo ka kala socday gobolada Nugaal, Mudug, Sool iyo Cayn halka inta kale ay ku qaateen magaalada Boosaaso kuwaasi oo ak socday gobolada Bari, Sanaag, Gardafu iyo Karkaar, Haylaan.”

“Mudane wasiir mashruucaan Marwo caafimaad oo ka shaqeeya tuulooyinka laamiga ka baxsan sidoo kalena aan lahayn xarumo caafimaad ayaa wasaaraddu ugu talagashay in bulshada la gaarsiiyo caafimaadka inta la gaaro, qorshaha wasaaradda ayaa ah in la gaarsiiyo mashruucaan mustaqbalka 2,000 oo tuulo halka hada ay ka shaqeeyaan 260 tuulo, maalmaha ay tababarka qaadanayeen ayay lagu tababar shaqada ay qabanayaan oo uqaybsan telefonno gacanta ah oo ay ku soo gudbinayaa xogta tuulada ay ka shaqeeyaan bil kasta iyo dawooyin la siinayo oo loogu talagalay inay ku daweeyaan caruurta qabta xanuunada (Shubanka, Qandhada iyo oofwareenka), waxay sidoo kale diiwaangalin doonaan nafaqadaradda ka jirta tuulada ay ka shaqaynayaan iyo ugu danbeyn la socoshada xaalada hooyada uurka leh.”

“Barnaamijka Marwo caafimaad ayaa shaqaynayay ilaa sanadkii 2012 waxaana loogu talagalay hoos udhigida dhimashada hooyada iyo dhalaanka iyo baahinta adeega caafimaadka.”

Wasiirka wasaaradda Dr- Jamac Farax Xasan oo tababarka soo xiray aya yiri:-

"Waxaan soo dhawaynayaa inaan idinkala soo qaybgalo xiritaanka tababarka soconayay maalmihii la soo dhaafay kaasoo sida agaasimuhu sheegay aad ku barateen macluumaad badan oo lagu horumarinayo shaqadiina sidoo kalena la idin ku qaybinayo telefoonno idin fududayn doona shaqadiina lagula soconayo sida adeega tuulooyinka aad ka shaqaysaan uga socdo, waxaan rajaynayaa cilmiga aad qaadateen inaad ku dabaqi doontaa markaad ku noqotaan meelaha aad ka timaadeen".

"Wasaaradda caafimaadka waxaa ka go’an in adeega caafimaadka la baahiyo lana gaarsiiyo dhamaan deegaanada kala duwan ee Puntland si dadka loo siiyo adeega caafimaad, waxaan ugu danbeyn idin xasuusinayaa inaad tihiin wakiilo ka socda wasaaradda meelaha aad joogtaana aad sida ugu fiican ugu adeegtaan," ayuu yiri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey.

  • Puntland

    25-11-2024

  • 02:01PM

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM