Puntland oo casriyaynaysa galalka shaqaalaha dowlada

Image
Si looga miradhaliyo hadafkan, waxaa la sameeyay foom lagu qiimaynayo wax-qabadka shaqaddda.

GAROOWE, Puntland - Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane, Xasan Shire Cabdi ayaa ka qeyb galay shir ka dhacay xarunta Wasaaradda, shirkaas oo uu soo qaban qaabiyay Xafiiska Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Maaliyadda.

Shirkan, ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Kusimaha Agaasimaha Guud ahna Kuxigeenka Agaasimha ee Maamulka, Agaasimaha Waaxda Maamulka, iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee hoostaga Xafiiska Maamulka iyo Maaliyadda sida:

1. Qeybta Shaqada iyo shaqaalaha.
2. Qeybta Maaliyadda.
3. Qeybta Wacyigelinta iyo Warfaafinta
4. Qeybta ICT-ga.
5. Qeybta Arkiifiyada
6. Qeybta Gaadiidka

Masuuliyiinta xafiisyadan ayaa madaxda sare ee Wasaaradda u soo jeediyey waxqabadkoodii sadexdii bilood ee lasoo dhaafay iyo qorshayaasha saddexda bilood ee sannadkan ka hartay.

Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda, Mudane, Cabdifataax Cali Jaamac oo shirka kaddib la hadlay Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada uu xafiiskiisu u soo agaasimay shirka iyo arrimaha looga hadlay.

Agaasimha Wuxuu sheegay in ay waxyaalaha ugu waaweyn ee shirkaas lagaga hadlay ay ka mid ahaayeen:

1. Casriyeynta galalka shaqaalaha Wasaaradda;

2. In la sameeyey foomka qiimeynta shaqada (performance appraisal) iyo buug ah, hagaha sidii loo samayn lahaa qiimaynta shaqada, ayna naga caawiyeen khuburo kala duwan.

3. In la sameeyey habka xaadirinta shaqaalaha ee elektarooniga ah (e-attendance) laga hirgelin doono dhamman xarumaha iyo xafiisyada aanu gaarin ee gobollada.

4. In la kiciyey qeybta arkiifiyada iyo kaydinka xogta, taasi oo diyaarisay in laga heli karo xogtii oo fudud ama ayada oo warqado ah.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane, Xasan Shire Cabdi ayaa Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda, iyo shaqaalaha Waaxda oo ay u horreeyaan madax qeybeedyadu ku ammaanay shaqo hufnaan iyo hormarka balaan oo lagu talaabsaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM