Puntland oo daadejineysa hanaan maaliyadeed casri ah

Image
Image
Image
Image
Barnaamijka FMIS oo laga soo gaabiyey Puntland Financial Management Information System ayaa ku jira wajigiisa labaad.

GAROWE, Puntland - Degmada Galkaacyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa laga daah-furay tababarka Systemka PFMIS ee afka qalaad lagu yeero [Puntland state Financial Management Information System].

Tababarkan ayaa wuxuu noqonaayaa qaybtiisii labaad oo loo qabanaayo shaqaalaha Dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Xafladda daahfurka ayaa lagu qabtay Xarunta Dawladda Hoose waxaana ka soo qayb galay Guddoomiye ku xigeenka Degmada,Xog-hayaha Degmada iyo madax ka socota Wasaarada Maaliyadda Dowladda Puntland.

Gudoomiye kuxigeenka Degmada Shaafici C/laahi Xaashi oo ka hadlay Daah-furka PFMIS ayaa u mahad celiyay Madaxada Wasaaradda Maaliyadda iyo Banggiga adduunku oo fulinaaya Barnaamijkan.

Shaqaalaha Dowladda hoose ayaa waxaa lagu tababari doonaa Barnaamijka FMIS-Wajigiisa labaad, waxaana lagu baran doonaa Sadexda Cashuurood oo kala ah;

1: Cashuurta Daaraha

2: Cashuurta Shatiyadda

3: Cashuurta Tagaasida

Khadar Barre Maxamed iyo Cismaan Aw-muuse ka mid ah Shaqaalaha FMIS ee Wasaaradda Maaliyadda ee bixinaaya tababarka ayaa shaqaalaha urajeeyey in ay ka faa'idaystaan tababarkan.

Waxaa xusid mudan in Barnaamijkan FMIS laga hirgaliyay degmooyin kale lagana gaaray guulo wax ku ool ah mas’uuliyiinta degmooyinkii laga hirgaliyayna ay sheegeen in ay baahi wayn u qabeen.

Sikastaba, tababarkan ayaa qeyb ka ah qorshe ay dowladda Puntland ku baahineyso hanaanka PFMIS oo ah qaab casri ah oo lagu daabacayo qaansheegadka iyo caddaynta bixinta lacagta oo wadata Code.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM