Puntland oo daadejineysa hanaan maaliyadeed casri ah

Image
Image
Image
Image
Barnaamijka FMIS oo laga soo gaabiyey Puntland Financial Management Information System ayaa ku jira wajigiisa labaad.

GAROWE, Puntland - Degmada Galkaacyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa laga daah-furay tababarka Systemka PFMIS ee afka qalaad lagu yeero [Puntland state Financial Management Information System].

Tababarkan ayaa wuxuu noqonaayaa qaybtiisii labaad oo loo qabanaayo shaqaalaha Dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Xafladda daahfurka ayaa lagu qabtay Xarunta Dawladda Hoose waxaana ka soo qayb galay Guddoomiye ku xigeenka Degmada,Xog-hayaha Degmada iyo madax ka socota Wasaarada Maaliyadda Dowladda Puntland.

Gudoomiye kuxigeenka Degmada Shaafici C/laahi Xaashi oo ka hadlay Daah-furka PFMIS ayaa u mahad celiyay Madaxada Wasaaradda Maaliyadda iyo Banggiga adduunku oo fulinaaya Barnaamijkan.

Shaqaalaha Dowladda hoose ayaa waxaa lagu tababari doonaa Barnaamijka FMIS-Wajigiisa labaad, waxaana lagu baran doonaa Sadexda Cashuurood oo kala ah;

1: Cashuurta Daaraha

2: Cashuurta Shatiyadda

3: Cashuurta Tagaasida

Khadar Barre Maxamed iyo Cismaan Aw-muuse ka mid ah Shaqaalaha FMIS ee Wasaaradda Maaliyadda ee bixinaaya tababarka ayaa shaqaalaha urajeeyey in ay ka faa'idaystaan tababarkan.

Waxaa xusid mudan in Barnaamijkan FMIS laga hirgaliyay degmooyin kale lagana gaaray guulo wax ku ool ah mas’uuliyiinta degmooyinkii laga hirgaliyayna ay sheegeen in ay baahi wayn u qabeen.

Sikastaba, tababarkan ayaa qeyb ka ah qorshe ay dowladda Puntland ku baahineyso hanaanka PFMIS oo ah qaab casri ah oo lagu daabacayo qaansheegadka iyo caddaynta bixinta lacagta oo wadata Code.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM