Dib-u-habeyn lagu sameynayo Dugsiyada Qur'aanka Puntland

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada Puntland ayaa dib-u-habeyn iyo horumarin ku sameynaysa Dugsiyada lagu barto Qur'aanka Kariimka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda.

Go'aankan ayaa lagu gaarey shirka todobaadlaha golaha xukuumadda oo Sabtida maanta ah ku qabsoomay Madaxtooyadda Garowe uuna guddoomiyey madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.

Sida laga soo xigtay warka qoraalka ah, Deni ayaa guddi gaar ah u saarey arrintaan. Balse, illaa haatan lama soo bandhigin magacyadda xubnaha guddiga oo la rumeysan yahay in ay wasiiro yihiin.

Qodobada kale ee wadahadaladda lagu soo hadal-qaadey waxay kala yihiin; xaaladda safmareenka COVID-19 oo koror badan uu ka jiro, Nabadaynta Shiqaaqadii Saax-maygaag iyo Siyaasadda Biyaha.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Dugsiyada Quraanka ee Puntland, Xaaladda COVID-19, Nabadaynta Shiqaaqadii Saax-maygaag iyo Siyaasadda Biyaha," ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada.

Bayaanka ayaa waxaa la raaciyey: "Shirka Golaha Wasiirada waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaana ka mid ahaa arrimaha Goluhu ka dooday xaaladda Dugsiyada Quraanka lagu barto ee Puntland, Iyadoo ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni uu guddi heer Wasiir ah u saaray dib-u-habeynta iyo horumarinta Dugsiyada Qur'aanka".

Sikastaba ha ahaatee, warka qoraalka ah laguma caddeyn baahida keentay dib-u-qaabeyntan. Balse, baarlamaanka wuxuu horey u ansixiyey Xeerka Dugsiyada Qur'aanka oo xeerinaya in ay jirto baahi tayeyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM