Dib-u-habeyn lagu sameynayo Dugsiyada Qur'aanka Puntland

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada Puntland ayaa dib-u-habeyn iyo horumarin ku sameynaysa Dugsiyada lagu barto Qur'aanka Kariimka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda.

Go'aankan ayaa lagu gaarey shirka todobaadlaha golaha xukuumadda oo Sabtida maanta ah ku qabsoomay Madaxtooyadda Garowe uuna guddoomiyey madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.

Sida laga soo xigtay warka qoraalka ah, Deni ayaa guddi gaar ah u saarey arrintaan. Balse, illaa haatan lama soo bandhigin magacyadda xubnaha guddiga oo la rumeysan yahay in ay wasiiro yihiin.

Qodobada kale ee wadahadaladda lagu soo hadal-qaadey waxay kala yihiin; xaaladda safmareenka COVID-19 oo koror badan uu ka jiro, Nabadaynta Shiqaaqadii Saax-maygaag iyo Siyaasadda Biyaha.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Dugsiyada Quraanka ee Puntland, Xaaladda COVID-19, Nabadaynta Shiqaaqadii Saax-maygaag iyo Siyaasadda Biyaha," ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada.

Bayaanka ayaa waxaa la raaciyey: "Shirka Golaha Wasiirada waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaana ka mid ahaa arrimaha Goluhu ka dooday xaaladda Dugsiyada Quraanka lagu barto ee Puntland, Iyadoo ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni uu guddi heer Wasiir ah u saaray dib-u-habeynta iyo horumarinta Dugsiyada Qur'aanka".

Sikastaba ha ahaatee, warka qoraalka ah laguma caddeyn baahida keentay dib-u-qaabeyntan. Balse, baarlamaanka wuxuu horey u ansixiyey Xeerka Dugsiyada Qur'aanka oo xeerinaya in ay jirto baahi tayeyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM