Puntland oo digniin kasoo saartay jariifka kalluunka

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Masuuliyiinta Wasaraadda Maaliyadda ee gobolka Gardafuu, ayaa kormeer shaqo ku tagey xeebaha Degmada Bareeda, iyagoo indha-indheyn ku sameeyay dakhliga Xeebaha ee Wasaaraddu qaado.

Koormeerka, waxaa hogaaminayay Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyada gobolka Gardafuu Maxamed Axmed Jeeg, Taliyaha Qeybta gobolka Gardafuu Gaanshaanle sarre Shire Cabdi Ismaacil iyo maamulaha Dakhliga ee gobolka Cumar Jaamac Juusuf.

Masuuliyiintan, waxey digniin u direen Kalluumeysatada si sharci daro ah ugu Kalluumeysata Xeebaha Puntland gaar ahaan gobolka Gardafuu, waxeyna sheegeen ciddii lagu helo iyagoo si sharci darro ah u kalluumeysaneysa sharciga la hor keeni doono.

Xeebta Puntland, ayaa aad u dheer, waxaana ceegaaga kheyraad farabadan, waxaana la sheegaa in ay soo gallaan Maraakiib iyo Doonyo si sharci darro ah uga Kalluumeysta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM