Puntland oo gaartay guul kale oo dhanka dimuqraadiyada ah

Image
Ururada siyaasadda ayaa kasoo muuqdey dood uu daadihinayo guddiga doorashada ku meelgaarka ah.

GAROWE, Puntland - Puntland ayaa talaab kale oo dhanka dimuqraadiyada ah ku talaabsatay xilli ururada siyaasadda ay xalay ka qeybgaleen dood uu daadihinayo guddiga doorashooyinka ku meelgaarka ah.

Doodan aaa imaaneysa kahor bilowga coddeynta dowladaha hoose oo loo balansan yahay 25-ka bishan October. Garoonka Xalwo Kismaayo ee Qardho ayaa martigeliyey madashan ay dadweynuhu xaadireen.

Dhamaan Ururada siyaasada Puntland ayaa si wadajir ah uga soo muuqdey dooda ayaga oo dadweynaha u soo bandhigay barnaamijkooda siyaasadeed kahor doorashada dowladaha hoose ee horudhaca ah.

Sida qabanqaabiyeyaashu sheegeen, dooda ayaa waxay ku qabsoontey qaab aad u wanaagsan ayna wakiilada ka socdey ururadda ay mid-mid uga jawaabeen waydiimaha sida siman loo hordhigayo.

"Waxaa si wanaagsan usoo gabgabowday Dooda Ururadda Siyaasadda iyo Bulshada Degmada Qardho oo caawa Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ka daahfureen magaalada Qardho," ayuu guddigu yiri.

Qoraalka ayaa intaas waxaa al raaciyey: "Doodan waxaa sidoo kale laga qabandoonaa Degmooyinka Eyl iyo Ufayn oo ka mid saddexda degmo ee Doorashada horudhaca ah laga qabanayo 25-ka bisha".

Nidaamka xisbiyada badan ayay Puntland kaga gudbeysaa habka ku saleysan qabiilka oo tabashooyin badan abuuray wallow maamulku kusoo caana-maalay hase ahaatee waxaa la sheegay in la joogo xilligii lasoo afjari lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM