Puntland oo hormuud u noqotay "guul Soomaali wada leedahay"
GAROWE, Puntland - Shacabka degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl ayaa saaka u dareeray doorashooyinka dowladaha hoose ee Puntland. Coddeynta oo qof iyo cod ah waa tii ugu horeysay oo nooceeda ah oo ka qqbsoonta degaanada maamulkan.
Booliska dowladda Puntland ayaa u gurmadey oo isbitaal u qaadey hooyo fool ay qabatay kadib markii ay codkeeda ka dhiibatay mid kamid ah seejooyinka magaalada Qardho, sida uu soo wariyey goobjooge.
"Dumarku waa qayb weyn oo bulshada ka mid ah maantana meel kasta ayay ka firfircoonaayeen, waxay ka mid ahaayeen shaqaalaha doorashada, goob-joogayaasha iyo codbixiyeyaal sii fiican u soo camriray goobaha codbixinta," ayay tiri hay'adda PDRC.
Korjoogto caalami ah ayaa goobjoog ka ah qaar kamid ah goobaha cod-bixinta. Bulshadda qeybta ugu da'da weyn ayaa camiray goobaha cod-bixinta doorashada taariikhiga ah qof iyo cod ee Puntland.
Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka coddeeyay mid kamid ah seejeeyinka magaalada Qardho ee gobolka Karkaar halkaasoo uu gaarey todobaadkan gudahiisa.
Guuleed Saalax, guddoomiyaha guddiga KMG doorashooyinka Puntland, ayaa xusay in si wanaagsan ku socoto cod-bixinta. Shir jaraa'id ayuu ka sheegay in aysan illaa hadda soo gaarin wax carqalad ah isaga oo rajeeyay in coddeynta ay kusoo dhamaato si nabdoon.
Korjoogtada caalamiga ah ee doorashooyinka Puntland oo bogaadisay qaabka ay cod-bixinta ku soconeyso ayaa shir jaraa'id oo ay ku qabteen caasimada Garowe waxay ka sheegeen in talaabadan ay tusaale u tahay in Soomaaliya inteeda kale ay ka qabsoomi karto coddeyn qof iyo cod ah.
Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa "guul taariikhi ah oo Soomaali wada leedahay" ku sifeeyay doorashada qof iyo cod ee maanta ka bilaabatay Puntland.
Muwaadiniinta ayuu cod dheer ugu bogaadiyey bdulqaadka ay codkooda ku dhiibanayaan isaga oo ku tartarsiiyey in ay safafka ugu sii jiraan illaa qof walba xuquuqdiisa dastuuriga ah ka gudanayo Wuxuu rajeeyay in cod-bixinta kusoo dhamaato si nabad ah.
GAROWE ONLINE