Sanyare oo cambaareeyay dadka laga tarxiilay Laascaanood
GAALKACYO, Puntland – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Cabdiladhiif Muuse Nuur, ayaa si kulul u cambaareeyay tarxiilka ay Somaliland ku sameysay 700 qof oo kamid ah dadka kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya ee deganaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
“Hadii dadkaan la tarxiilayo la leeyahay dadkii lagu dilay Laascaanood oo cid dishay aan la aqoon iyagaa laayey, taas anagaa soo xaqiijinay oo gobolka Mudug ayaan ku xaqiijinay, dadkii Mudug lagu dilay jiray gacan kama geysan hal qof oo koonfur ka soo jeeda, reer Mudug ayaa dadka layn jiray, hal qof oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo Shabaab ah ma aanaa qaban, ma dilin, mana joogo deegaankaan," ayuu u sheegay warbaahinta gudaha.
Sida laga soo xigtay Sanyare oo go’aanka Somaliland ku sifeeyay "mid xun oo la heli kara qaab kale oo dadkaas loo maareyn karay", talaabada maamulka Hargeysa ku kacay waa wax "laga qowmameeyo".
"Shabaabka ayaa dadka marin habaabinaya, waxa Laascaanood dadka ku laaya waxay idinkaga dhigayaa reer Koonfur Galbeed, laakiin anigu uma maleynayo, dadka hadii amni daro looga cabsado si kale ayaa loo koontorooli karaa, laakiin saan waa tallaabo aad u xun oo laga qowmameeyo," ayuu xusay.
Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayuu cod dheer ugu tartarsiiyey in uu ka baaqsado talaabadaas isaga oo xusiiyey in qaxootinimadu iyo barakacinta dad aan waxba galabsan aysan ahayn wax sahlan.
“Waxaan halkaan fariin uga dirayaa Madaxweyne Muuse Biixi. Muusow qaxooti waad istaqaanaan, anigu waxaan ahay dadkii Booda-dheere, Gaashaamo iyo Gorgor raashinka geyn jiray sanadkii 1988-kii, Soomaali idinkaa dhibaato ugu hor maray ee ka joog," ayuu tibaaxay.
Ugu dambeyntii, Sanyare oo lasii hadlaya Muuse Biixi Cabdi ayaa xusuusiyey "Ilaahey uga baq arrintaan oo uu hoos u fiiriyo dhibaatada lagu hayo dadkaas danyarta u badnaa " iyo in horseedi karto cuqdad.
"Qof saakay gurigiisii ka soo shaqa tegay ee suuqa laga qabtee la tarxiilay, dhibaatada ay leedahay iyo cuqubada ka dhalan karta waa garneysaa, walaalow Ilaahey uga baq arrintaan oo dadkaas dhibaatada lagu hayo hoos u fiiri, nin oday ah oo qaar ka mid ah umadda Soomaaliyeed xukumaa tahay, ee dadka ku hoos jooga naxariis u samey," ayuu kusoo xiray hadalka.
Shalay ayay ahayd markii Somaliland ay soo masaafurisay dadkaas iyadda oo cuksaneysa walaac dhanka ammaanka ah. Talaabadan waxay timid maalmo kadib markii wafdi ka socda xukuumada Somaliland ay tageen Laascaanood si ay u qiimeeyaan dilalka ay ku soo batay magaaladda.
GAROWE ONLINE