Puntland oo musharaxiinta ka mamnuudey gaadiidka ciidan

Image
Talaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay maanta bilowdeen ololaha ururada siyaasadda.

GAROWE, Puntland - Wasaaradda amniga dowlada Puntland ayaa Axada maanta ah waxay fartey musharaxiinta kuraasta Golaha Shacabka heer federaal in aysan ololahooda u isticmaalin gaadiid ciidan.

Sida laga soo xigtay war-saxaafadeedka uu arkay warsidaha Garowe Online, qofkii sababo gaar ah uga maarmi waaya ilaalo waa in uu lasoo xiriiraa wasaarada si uu u helo ogolaanshiyo shatiyeysan.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli maanta ay bilowdeen ololaha ururada siyaasadda Puntland kuwaasoo isku diyaarinaya coddeynta dowladaha hoose oo loo balansan yahay in ay dhacdo 25-ka October.

Dhanka kale, taliyaha Booliska Puntland, Cabdi Xasan Xuseen, ayaa gudoomiyay shirka sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka Qofka iyo Codka ah ee Puntland iyo Goobaha loo asteeyay inay ka qabsoomaan doorashada heer fedaraal ee Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay qoraal kasoo baxay taliska, kulanka waxaa diiradda lagu saarey sidii ciidamadda ay kaalin wanaagsan uga cayaari lahaayeen xaqiijinta nabad-gelyadda guud ahaan goobahaas.

"Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay dhamaystirka tababarka dib-u-habayneed ee Ciidanka Booliska iyadoo hadda ay tababro ku jiraan in ka badan  600 oo u diyaar-garoobaya adkeynta amniga doorashooyinka heer maamul iyo heer Faderaal," ayaa la raaciyey bayaanka.

Ammaanka ayaa kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee horyaala doorashooyinka Soomaaliya. Balse, Puntland waxay ku jirtaa daruufo gaar ah oo kaga duwan tahay maamulada kale oo ah in ay xasiloon tahay.

Hoos ka akhriso qoraalka wasaaradda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM