Puntland oo qabatay dad waday falal liddi ku ah amniga

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Howlgal guri-guri ah oo ciidamadda ay sameeyeen ayaa gacanta lagu soo dhigay shaqsiyaadkan aan la magacaabin.

BOOSAASO, Puntland - Saacadihii la soo dhaafay Howlgal uu Hogaminaayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa laga sameeyay Magalada Bosaaso iyo qaar badan oo ka tirsan xaafadaha magaalada si loo adkeeyo amaanka.

Howlagaladaan oo ahaa kuwo lagu xaqiijinayo ammaanka ayaa meelaha qaar waxay ciidamadu u sameynayeen guri-guri,iyo Huteelo, waxaana u ahaa mid ka dhan ah Xoojinta amaanka iyo Burcadda dadka shacabka ah ka furata agabkooda.

Ciidamada ammaanka ayaa inta ay ku jireen howlgalkaan waxaa u suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan dad ku howlanaa falal lidi ku ah amaanka.

Habeenadii lasoo dhaafay waxay ciidamada magaalada Bosaaso ka wadeen howlgallo culus oo ka dhan ah burcadda dhalinyarada ah, waxaana weli socda howlgalladaas nadiifinta ah.

Xaafadaha qaar ciidamada waxaa kala shaqenaayay Dadka shacabka ah si shacabka ay u helaan nabad geliyo, meeshana looga saaro kooxaha burcadda ah ee mararka qaar isku daya inay shacabka dhacaan.

Sidoo kale howlgalladaan waxay ku soo aadayaan iyadoo dalku uu galay xilli doorasho, isla markaana hey’adaha ammanka Gobalka Bari ay muujinayaan feejignaan dheeri ah madaama Magaalada Bosaaso ay ka mid tahay magaaloyinka lagu qaban doono doorashada kuraasta xilibaanada aqalka hoose soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM