Puntland oo turxaan-bixisay habraaca la duray ee doorashada

Image
Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka arrimaha gudaha Puntland

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa si adag waxay u difaacdey habraaca lagu muransan yahay ee doorashooyinka Aqalka Hoose baarlamaanka 11aad ee federaalka Soomaaliya xilli ay socdaan dedaal lagu qaboojinayo xiisadda.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka arrimaha gudaha Puntland, ayaa tibaaxay habraacan uu waafaqsan yahay heshiiska 17-kii September kaasoo xeerinayay in coddeynta noqon doonto mid dadban.

Habraaca ayuu ku sifeeyay mid xal loogu raadinayo dhamaan kala aragti-duwanaanshihii ka taagneyd doorashooyinka iyo "mirihii kasoo baxay wadahadaladii" qadiyaddaas looga yeeshay Muqdisho.

Dadka naqdinaya habraaca ayaa si gaar ah u duraya qodobada cidda soo xulaysa ergada, cidda ka ansixineysa, warqada dambi-baarista iyo qarashka.

"Sababta loo yiri odayaasha soo xulaya Xildhibaanada waa in ay aqoonsan tahay dowladda waxaa lagu ilaalinayaa midnimada beesha kursiga iska leh sababta oo ah waxaan ogeyn khilaafaadka ay sababeen doorashooyinkii dhacay sanadkii 2016-kii," ayuu u sheegay Idaacadda maxaliga ah ee Daljir.

Isaga oo ka jawaabayay aragtida kasoo horjeeda in guddiga doorashooyinka heer dowlad gooleed ansixiyo ergada soo xulaan odayaasha, Dhabancad ayaa ku adkeystay in kooxda farsamada heer maamul ay madax-banaan tahay.

"Wax kasta waxay kasoo ratib-mayaan heshiiskii 17-kii September oo qeexaya awoodaha guddiga. FEIT-ku (kan heer federaal) wuxuu kormeerayaa doorashooyinka, halka SEIT-ku (kan heer dowlad goboleed) ay hubinayaan in geedi-socodka doorashada ay tahay mid sax ah," ayuu raaciyey.

Khilaaf kasta oo ka yimaada xulista kuraasta Golaha Shacabka ayuu tibaaxay in ay u xilsaaran yihiin wax ka qabashooda guddiyada khilaafaadka.

Dhabancad wuxuu meesha ka saarey in dowlada Puntland ay isku dhex-mileyso kala aragti-duwanaanshiyaha iyo daahfurnaanta doorashooyinka.

"Marka dhamaan cidii hadashay [ee durtey habraaca] waxaan rabaa in aan u sheego in habraacan uu yahay mid fududeynaya in doorashadda noqoto mid xalaal ah, waana mid siinaya odayaasha qabaa’ilka ee iska leh kuraasta Golaha Shacabka in ay ayaga ergadooda la yimaadaan, waa mid siinaya musharaxiinta kuraasta xorriyad, wixii maamul ah waxaa iska leh guddiyada dowlada mas’uuliyadeena waa tan ka saaran dalka," ayuu ku adkeystay.

Qodobka ku saabsan warqada dambi la’aanta ayuu si aan toos ahayn u sheegay in aysan dib uga laaban doonin maadaama lagu saleeyay doorashadii Aqalka Sare. Balse, qarashka laga rabo ergada ayuu dabac-sanaan ka muujiyey.

Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa ku adkeystay in hanaankii loo maray xulista xubnaha Puntland ku metelaya Senate-ka Soomaaliya afarta sano ee soo aadan loo maray habraaca ay ku heshiiyeen hogaamiyeyaasha Soomaaliya.

Hadalka Puntland ayaa yimid iyadoo wali la shaacin maxsuulka wadahadalada Musharaxiinta iyo Golaha Wadatashiga Qaranka ka yeesheen xiisadan. GO wuxuu fahansan in laga yaabo in madaxda wadaxaajood kale ka yeeshan qadiyadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey.

  • Puntland

    25-11-2024

  • 02:01PM

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM