Puntland: Qodob kamid ah xeer muhiim ah oo la ansixiyey

Image
Xildhibaannada Golaha Wakiillada baarlamaanka Puntland ayaa qodob-qodob uga doodey xeerka.

GAROWE, Puntland - Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Cabdirashid Yusuf Jibril oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada DPL.

Ajanadaha kulanka ayaa ahaa ka doodista Wax-ka-bedalka Xeerka Khamriga iyo Xashiishadaha, Xeer Lr. 5 ee 18 - Dec- 2010 kaas oo Guddiga  Shuruucda, Cadaaladda, Arrimaha diinta iyo Dastuurka Golaha Wakiillada DPL ku sameeyey wax-ka-bedel iyo kaabis, iyagoo Golaha la wadaagay warbixintooda maanta.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada baarlamaanka Puntland ayaa qodob-qodob uga doodey xeerka, waxayna ansixiyeen Qodobo kamid ah.

Xeerka oo horay u ahaa wax-ka-bedalka Khamriga iyo Xashiishadaha, ayaa Guddiga waxa uu bedelay magaca Xeerka waxayna ka dhigeen “ Xeerka La-dagaalanka Maandooriyaha Dawladda Puntland” waxaana cod aqlabiyad ah ku ogolaaday Xildhibaanadda Golaha Wakiillada.

Xeerka Maandooriyaha Dawladda Puntland oo weli doodiisa ka socoto Golaha Wakiillada, ayaa reebaya kaanidda, beerista, gacansiinta, isticmaalka iyo ka ganacsiga dhammaan noocyadda Maandooriyaha kaas oo loo isticmaalo sifo kasta oo loo qaato maandooriye sida cabid, qiijin, dhuuqid, shidasho, cunid, isku-durid irbad, ursasho IWM.

Ujeedada xeerka ayaa ah ilaalinta anshaxa iyo dhaqanka suubaan ee Islaamka, waxaana lagu wadda in doodiisa ay socoto illaa maalinta berri ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM