Puntland: Qodob kamid ah xeer muhiim ah oo la ansixiyey

Image
Xildhibaannada Golaha Wakiillada baarlamaanka Puntland ayaa qodob-qodob uga doodey xeerka.

GAROWE, Puntland - Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Cabdirashid Yusuf Jibril oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada DPL.

Ajanadaha kulanka ayaa ahaa ka doodista Wax-ka-bedalka Xeerka Khamriga iyo Xashiishadaha, Xeer Lr. 5 ee 18 - Dec- 2010 kaas oo Guddiga  Shuruucda, Cadaaladda, Arrimaha diinta iyo Dastuurka Golaha Wakiillada DPL ku sameeyey wax-ka-bedel iyo kaabis, iyagoo Golaha la wadaagay warbixintooda maanta.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada baarlamaanka Puntland ayaa qodob-qodob uga doodey xeerka, waxayna ansixiyeen Qodobo kamid ah.

Xeerka oo horay u ahaa wax-ka-bedalka Khamriga iyo Xashiishadaha, ayaa Guddiga waxa uu bedelay magaca Xeerka waxayna ka dhigeen “ Xeerka La-dagaalanka Maandooriyaha Dawladda Puntland” waxaana cod aqlabiyad ah ku ogolaaday Xildhibaanadda Golaha Wakiillada.

Xeerka Maandooriyaha Dawladda Puntland oo weli doodiisa ka socoto Golaha Wakiillada, ayaa reebaya kaanidda, beerista, gacansiinta, isticmaalka iyo ka ganacsiga dhammaan noocyadda Maandooriyaha kaas oo loo isticmaalo sifo kasta oo loo qaato maandooriye sida cabid, qiijin, dhuuqid, shidasho, cunid, isku-durid irbad, ursasho IWM.

Ujeedada xeerka ayaa ah ilaalinta anshaxa iyo dhaqanka suubaan ee Islaamka, waxaana lagu wadda in doodiisa ay socoto illaa maalinta berri ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM