Puntland: TPEC oo diidey talo-soo-jeedinta ururada qaar

Image
Image
Image
Image
Dhinacyada ayaa maanta kulan xasaasi ah kula yeeshay magaalada caasimada ah ee Garowe.

GAROWE, Puntland - Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland oo ururada siyaasada Puntland oo maanta kulan xasaasi ah kula yeeshay caasimada Garowe ayaa diidey talo-soo-jeedin kaga timid qaar kamid ah ururada.

TPEC oo war-saxaafadeed soo saartey ayaa waxay ku adkeystay in doorashada dowladaha hoose ay waq ku dhaceyso. Coddeynta waxaa loo muddeeyay 25-ka October.

Hoos ka akhriso qoraal kasoo baxay guddiga

Guddigu wuxuu kulan saaka la yeeshay Ururada Siyaasadda Puntland oo dhamaa 8, 1 Urur ayaa ka maqnaa shirka. Ujeedka kulanku wuxuu ahaa in la iska waraysto warqad shalay Ururadu lasoo wadaageen Guddiga.

Guddigu wuxuu uga mahadceliyay Ururada kaalinta wayn ee ay kaga jiraan hirgalinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland.

Guddigu wuxuu Ururada la wadaagay ina aysan suuragal ahayn in wax laga badalo jadwalka doorashada maadaama horay loogu saleeyay codsigii Ururadu TPEC lasoo wadaageen ee ahaa in doorashada laga dhigo dhamaadka Oktoobar, sidaas horay Guddigu u badalay jadwalkii hore oo aha in doorashada Agoosto la qabto.

Farsamo ahaan Guddigu wuxuu Ururada ugu daray 7 maalmood xilliga laga rabay inay soo gudbiyaan liiska musharaxiinta golayaasha deegaanka, taas oo aan saamaynayn xilliga doorashada loo asteeyay ee 25 Oktoobar 2021.

Sidoo kale, Guddiga wuxuu Ururada la wadaagay inaysan hadda suuragal ahayn dib u eegis in lagu sameeyo Xeerka doorashada, Ururadauna aysan horay wax dacwo ah uga qabin xeerkaas.

Ugu dambayn Guddigu wuxuu ka ballanqaaday Ururada in dadaal kasta oo suuragal ah lagu bixindoono sidii loo taageeri lahaa Ururada dhinacyada farsamada iyo dhaqaalaha.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM