Puntland: Ururada siyaasada oo digniin loo diray

Image
Dhawaqan ayaa kusoo aadaya xilli lagu guda jiro isu-soo-baxyada doorashooyinka dowladaha hoose ee loo balansan yahay 25-ka bishan October.

GAROWE, Puntland - Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland Dr- Farax Jamac Xasan oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka waramay xaaladihii ugu danbeeyay ee xanuunka Covid19 Puntland, in la kordhiyo iyadoo lagu jiro waqtiga isku soo baxyada ololaha ururada ay ka samaynayaan degaamada laga qabanayo doorashooyinka huru dhaca ah iyo in xarumaha caafimaadka aan laga dhex samayn olole doorasho.

Wasiir Dr- Jamac Farax Xasan oo ka hadlayay xaaladihii ugu danbeeyay ee Covid19 Puntland ayaa yiri

“Bishii dhamaatay ee 9aad waxaa la baaray dad gaaraya 4228 waxaana xanuunka laga helay 620 qof waxaana inta la xaqiijiyay udhimatay 9 qof taasoo ka yarayd bishii ka horaysay ee 8aad, waxaan rajaynaya bisha bilaabatayna inay ka sii yaraan doonto Insha allah.”

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha wasaaradda ee helitaanka warshadaha Oxygenta ee loogu talagalay in la keeno dhamaan xarumaha gobolada Puntland waxa uu yiri:-

“Wasaaradda caafimaadka oo kaashanaysa bulshada Puntland waxaa u qorshaysan in dhamaan xarumaha gobolada la keeno mid walba hal warshad oxygenta soo saarta taasoo loogu talagalay in laga kaaftoomo baahida oxygen ee soo noqnoqonaysay, waxaa hada diyaar ah oo la rakibayaa warshadii ugu horaysay oo timid magaalada Boosaaso kuwa kalena qorshaha waxay ku jiraan in dhakhso ay uyimaadaan waxaana caqabad ku noqday qaarkood xaga gaadiidka iyo helitaankooda oo uu saamayay xanuunka Covid19.”

Waxaan rabaa inaan fursadaan uga faa’iidaysto in maalin dhawayd gudoomiye ka mid ah kuwa ururada siyaasada uu booqasho ku tagay mid kamid ah isbitaalada magaaloyinka Puntland uuna halkaas ka sheegay inuu ugu deeqay warshad soo saarta Oxygenta taasoo dadka qaarkood ay uqaateen in warshada la keenay Qardho is weydiimo kala duwana ka soo baxeen, hadaba waxaan uga digayaa in aan Ololaha doorashada looga faa’iidaysan xarumaha caafimaadka sida Isbitaalada oo sida aad ogtihiin kaliya ay joogaan dad xanuusan oo aan wax dooranayn ama balanqaadyo aan loo samayn aan la fulinayn taasoo sida muuqata aan wali fulin.”

“Waxaan xusayaa in wasaaraddu soo dhawaynayso cid kasta oo caafimaadka wax ka qabanaysa balse aan usheegayo inay soo maraan ama uyimaadaan wasaaradda si wax la ogyahay la iskula qaato.”

Ugu danbeyn wasiirka ayaa
warsaxaafadeedkiisa ku soo gabagabeeyay talaalada socda iyo waxa ka qabsoomay waxaana uu yiri:-

“Wasaaraddu waxay kor uqaaday bixinta talaalada Puntland waxaana dhamaan gobolada ka socda ololayaal lagu talaalayo bulshada waxaana la bixinayaa talaalo kala duwan kuwa hal xabo ah oo aan ugu talagalnay dadka reer guuraaga ah ee aan meelaha joogayn iyo kuwa aan haleelayn inay markale usoo noqdaan iyo kuwa labo xabo ah oo la qaadanayo labo waqti, waxaan kula dardaarmayaa bulshada inay talaalka qaataan.”

“Waxaan rabaa inaan ka jawaabo labo suaalood oo soo noqnoqday oo talaalka looga hadlayo kuwaasi oo kala ah in talaalka qofka qaadanayaa uu isbaaro taas waxaan cadaynayaa inaysan shuruudaha talaalka ku jirin kaliya qofka markas uu qaadanayo uusan jirin xanuun haya sida qandho elargi uu ku yahay talaalka iyo inaysan gabdha uur lahayn ama uu ka yaryahay 18 Sano.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey.

  • Puntland

    25-11-2024

  • 02:01PM

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM