Puntland: Waa marin habaabin in aan kaliya u hiilino Jubaland
GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa waxay gaashaanka ku dhufatay sheegashooyinka la xiriira in ay kaliya garab-istaag u muujiso qadiyadaha ay la wadaagto Jubaland, waxaana ay xustey in Soomaali oo dhan ay u hiiliso.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland ahna afhayeenka madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo u waramay telefishinka RTN Soomaali ayaa ka jawaabay su’aasha aadka loo hadal hayo ee isbaheysiga Puntland iyo Jubaland.
"Su’aashaan aad bay iigu soo badbadatay. Wixii ka halaaba Puntland waxay ka halaabeen Soomaali oo dhan. Wixii Soomaali oo idil ka halaaba waxay ka halaabeen Puntland meesheeda ayaana ku dareemaynaa," ayuu ku bilaabay.
Dabraani ayaa ku daray: "Waa marin habaabin in Puntland ay kaliya u hiiliso gobolka Gedo iyo Jubaland. Arrinta Somaliland, is-qabqabsiga guddiyada iyo arrinta gobolka Gedo oo ah qodob kamid ah arrimaha taagan ayaa la hadlayaa".
Puntland iyo Jubaland ayaa sidoo kale waxay doonayaan in ajandaha shirka guud ee doorashooyinka lagu darro walaaca amniga iyo xadgudubkii 19-kii Febraayo – kaasoo maamulka Farmaajo ku weeraray musharaxiin madaxwayneyaal.
Dhaleeceynta Farmaajo
Dhanka kale, Jaamac Dabraani ayaa sheegay in Farmaajo "ay u fiicneyd" in uu xafiiska baneeyo 8-dii Febraayo si ay u sii socoto siyaasada xil isku wareejinta si dimuqraadi ah oo Soomaali kusoo dhaqmeysay sanadihii u dambeeyay.
"Caqabadda hadda jirta waxay la xiriirtaa madaxda dowladda federaalka kuraasta ayay kusii fadhiyaan iyaddoo muddo xileedkooda uu ka dhamaadey dalkana uusan aadin heshiis doorasho - taas waxay culeys ku haysaa dhamaan dadka Soomaaliyed," ayuu xusay isagoo wareysiga ku bixiyey maqal iyo muuqaal.
Talaabada ku kacay ee ah in uu wali kursiga isku sii dhejinaayo ayuu ku tilmaamay "fursad ka luntay" dadka Soomaaliyeed iyo in ay ahayd "xujo uusan dhaafi karin" madaxwayne kasta oo waddankan soo maraya isaga gedaashiisa.
Farmaajo oo muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey 8-dii Febraayo, 2020 ayaa xafiiska jooga ku dhowaad laba bilood isagoo sharciyada ka idlaatay, waxaana uu haatan wajahayaa cadaadis caalami ah oo ah in dalka u jiheeyo doorasho.
Ugu dambeyntii, Jaamac Dabraani ayaa rajeeyay in shirka Afasiyooni uu fure u noqdo in waddanka si nabad ah uga baxo mar-xaladda kala guurka isla markaana madaxda ku shirsan ay is-faham buuxa ka gaaraan xalka khilaafka aan wali la xalin.
GAROWE ONLINE