Puntland: Warshad sameysa Oxygen-ta oo la daahfuray

Image
Image
Warshada oo lagu kordhiyey Isbitaalka Qardho ayaa wax badan ka tari doonta baahida dhinaca Oxygen-ta.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xarigga ka jaray Warshada Oxygen-ta sameysa oo wasaaradda Caafimaadka we Dowladda Puntland ay kusoo kordhisay Isbitaalka guud ee Qardho.

Warshada Oxygen-ta sameysa ee la keenay Isbitaalka Qardho, ayaa wax badan ka tari doonta baahida dhinaca Oxygen-ta xiligan oo uu jiro xanuunka Covid-19.

Sidoo kale Dowladda Puntland ayaa si ballaaran waxay u qorsheysay inay warshado oxygen kale oo noocaan oo kale ah ay geyso magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Deni ayaa sidoo kale kormeeray qaybta hooyada iyo dhallaanka ee lagu soo kordhiyay Isbitaalka Qardho, waa xarun u gaar ah in ubadka ku dhasha waxkayar 9bilood, lagu caawiyo Caafimaad ahaan illaa uu si caadiya ugu korayo.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee ka socota Isbitaalka iyo dadaalka waxqabad ee Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland.

Deni ayaa wuxuu la wadaagay bulshada in Caafimaadku uu ka mid-yahay adeegyada muhimka ah ee Bulshada loo hayo, Dowladuna ay muhiimad gaar ah siinayso in dadku helaan adeeg Caafimaad oo dhameystiran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM