Puntland: Xeerka Khamriga iyo Xashiishadaha oo la ansixiyey

Image
Image
Image
Xildhibaannada ayaa qodob-qodob uga doodayey, una ansixiyey xeerka si waafaqsan qodobka 70-aad ee Dastuurka Puntland.

GAROWE, Puntland - Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Cabdirashid Yusuf Jibril, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 10-aad  ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada.

Jibriil ayaa waxaa wehliyey Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa ka doodista wax-ka-bedelka Xeerka Khamriga iyo Xashiishadaha DPL oo Goluhu ka doodeyey maalintii 2aad, kadibna markii Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha ,Diinta iyo Dastuurku oo wax-ka-bedel iyo kaabis ku sameeyey xeerkan.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaana qodob-qodob uga doodayey, una ansixiyey si waafaqsan qodobka 70-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Xeerka ayaa si faah-faahsan uga hadlaya ciqaabta iyo ganaaxyadda ay muddan karaan haddii lagu qabto shaqaalaha Dawladda, mas’uuliyiinta Dawladda ee Xasaanadda leh iyo kuwa aan laheyn, Ciidamada Nabad-gelyada, Guryaha lagu iibiyo laguna kariyo maandooriyaha, hubka lagu soo qabto hawl-gallada la dagaalanka maandooriyaha, lacagaha lagu soo qabto.

Intaa kadib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, wuxuu maanta Cod aqlabiyad leh ku ansixiyey Wax-ka-bedelka Xeerka  La dagaalka Maandooriyaha Puntland , waxaa Oggol ugu codeeyay 35, Diidmo 2 Mudane, haka aysan jirin cid ka aamustay.

"Waxaa reebban sameynta, keenidda, beerista, gacan-siinta, isticmaalka iyo ka ganacsiga dhammaan noocyada Maandooriyaha sida uu qabo Xeerka," ayuu goluhu kusoo xiray war-saxaafadeedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM