Qaxootiga Yemen ee ku nool Puntland oo doortay guddi

Image
Image
Image
Image
Wasaaradda Arimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimoqraadiyeynta Puntland ayaa u qabanqaabisay doorashadda.

GAROWE, Puntland - Wasaaradda Arimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimoqraadiyeynta Puntland ayaa doorasho u qabatay bulshada Qaxootiga Yemeniinta ah (Yemeni Refugees ) ee ku nool magaalada Boosaaso.

Qaxootigaas waxay ka soo carareen dagaalada ka socda Dalka Yemen waxayna dowlada Puntland ka heleen soo dhoweyn aan la koobi karin.

Muhaajiriinta waxay dooranayeen Gudigii iyaga meteli lahaa maadaama gudigii hore uu waqtigii ka dhamaaday .

Cod-bixiyeyaasha ayaa waxay doorteen 5 xubnood oo doorasho toos ah ku soo baxay kuwaasoo kala ah Gudoomiye , Gudoomiye ku xigeen , Xoghayn iyo laba xubnood.

Gudigaas wuxuu masuul ka yahay danaha bulshada Qaxootiga ah ee ku nool Magaalada Boosaaso.

Doorashadaas waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Daryeelka Bulshada ee Wasaaradda Arimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimoqraadiyeynta Puntland oo uu weheliyo Madaxqeybeedka Qaxootiga ee Moifad iyo shqaalaha Qeybta Qaxootiga ee Bosaso
Waxaa kaloo ka soo qeybgalay hay'ada UNHCR iyo Hay'adaha adeeg bixinta siiya Qaxootiga Sida Save the children , Tadaamun , Kaalo iyo GECPD .
Munaasibadaas waxay ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan .

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM