Qaxootiga Yemen ee ku nool Puntland oo doortay guddi

Image
Image
Image
Image
Wasaaradda Arimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimoqraadiyeynta Puntland ayaa u qabanqaabisay doorashadda.

GAROWE, Puntland - Wasaaradda Arimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimoqraadiyeynta Puntland ayaa doorasho u qabatay bulshada Qaxootiga Yemeniinta ah (Yemeni Refugees ) ee ku nool magaalada Boosaaso.

Qaxootigaas waxay ka soo carareen dagaalada ka socda Dalka Yemen waxayna dowlada Puntland ka heleen soo dhoweyn aan la koobi karin.

Muhaajiriinta waxay dooranayeen Gudigii iyaga meteli lahaa maadaama gudigii hore uu waqtigii ka dhamaaday .

Cod-bixiyeyaasha ayaa waxay doorteen 5 xubnood oo doorasho toos ah ku soo baxay kuwaasoo kala ah Gudoomiye , Gudoomiye ku xigeen , Xoghayn iyo laba xubnood.

Gudigaas wuxuu masuul ka yahay danaha bulshada Qaxootiga ah ee ku nool Magaalada Boosaaso.

Doorashadaas waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Daryeelka Bulshada ee Wasaaradda Arimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimoqraadiyeynta Puntland oo uu weheliyo Madaxqeybeedka Qaxootiga ee Moifad iyo shqaalaha Qeybta Qaxootiga ee Bosaso
Waxaa kaloo ka soo qeybgalay hay'ada UNHCR iyo Hay'adaha adeeg bixinta siiya Qaxootiga Sida Save the children , Tadaamun , Kaalo iyo GECPD .
Munaasibadaas waxay ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan .

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM