Salaad Maxamuud Ciise oo ku geeriyootay Garowe

Image
Marxuumka ayaa wuxuu kamid ahaa saraakiisha sar-sarre ee ciidamada difaaca Puntland.

GAROWE, Puntland - Taliska guud ee ciidamada difaaca dowlada Puntland ayaa xaqiijiyey in uu saaka magaaladda caasimada ah ee Garowe uu ku geeriyoodey Sareeye Guud Salaad Maxamuud Ciise (Dhega-dheere).

Marxuumka ayaa wuxuu kamid ahaa saraakiisha sar-sarre ee PDF. War-saxaafadeed kooban oo kasoo baxay taliska waxaa looga tacsiyadeeyay geerida marxuumka looguna rajeeyay naxariista EEBBE.

Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya magaciisa, kan Dowladda iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee S/Guuto Salaad Maxamuud Ciise  (Dhega-dheere)  oo ku geeriyoodey Garoowe.

"Waan uga tacsiyeynayaa Qoyskii, Eheladii, Asxaabtii,Ciidamada Difaaca Puntland, Shacabka reer Puntland iyo kan Soomaaliyeed," ayaa Karash laga soo xigtey in uu ku yiri qoraal ay faafisay Madaxtooyadda.

Dhanka kale, Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa tacsiyadeeyay Geeridii naxdinta laheyd ee ku timi Allah ha u naxariistee Marxuum S/Guuto Salaad Maxamuud Ciise ( Dhegodheere) , oo ku geeriyooday Garoowe.

"Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan Dawladda iyo ummadda reer Puntland ee uu ka geeriyooday Marxuum S/Guuto Salaad Maxamuud ( Dhegodheere)," ayuu yir.

Cabdicasiis ayaa Eebbe uga baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka iyo Dawladda Puntland ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo, su'aasha qabriga u sakhiro, Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo.

Marxuumku oo ciidamada kasoo qabtey xilal kala duwan ayaa "usoo shaqeeyey dadkiisa iyo dalkiisa wakhtiyo adag oo ay ubaah-naayeen,isaga oo qayb weyn ka qaatay dhismaha Ciidamada Daraawiishta dowlada Puntland".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM