Shacabka Puntland oo u dareeray doorasho taariikhi ah

Image
Image
Image
Image
Coddeynta oo qof iyo cod ah waa tii ugu horeysay oo nooceeda ah oo ka qqbsoonta degaanada maamulkan.

GAROWE, Puntland - Shacabka degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl ayaa saaka u dareeray doorashooyinka dowladaha hoose ee Puntland. Coddeynta oo qof iyo cod ah waa tii ugu horeysay oo nooceeda ah oo ka qqbsoonta degaanada maamulkan.

Guuleed Saalax, guddoomiyaha guddiga KMG doorashooyinka Puntland, ayaa shir jaraa'id oo xalay uu ku qabtey Garowe ka sheegay in coddeynta horudhaca ah ee dowladaha hoose ay berri qabsoomi doonto.

Cod-bixiyeyaasha ayuu ku tartarsiiyey in ay "codkooda ku ciil-baxaan" una dulqaataan safafka dheer inta ay cod-bixinta socoto.

"Kaar lasoo xaday laguma coddeyn karo. Qofkii sidaas ku fekeraya waxaan leeyahay ha isku soo lu go'in. Qalabka hubinta ayaan keenay," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Sidoo kale, taleefannadu waa mamnuuc berri, goobaha doorashada dadka waxaa lagaga reebayaa irirrada, markaa waxaan dadweynaha u soo jeedinayaa in ay guryaha kaga soo tagaan taleefannada".

Taliyaha booliska Puntland, Cabdi Xasan Xuseen [Cabdi Yare], ayaa shirka jaraa'id ee Garowe ka sheegay in dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadweynaha uu ka reeban yahay magaalada Qardho inta ay coddeynta soconeyso.

Shacabka aan coddeynayn ayuu ku booriyey in ay guryahooda iska joogaan oo aysan u soo daawasho tagin goobaha cod-bixinta iyo in ay qeyb ka qaataan sugida nabad-gelyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM