Shacabka Puntland oo u dareeray doorasho taariikhi ah

Image
Image
Image
Image
Coddeynta oo qof iyo cod ah waa tii ugu horeysay oo nooceeda ah oo ka qqbsoonta degaanada maamulkan.

GAROWE, Puntland - Shacabka degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl ayaa saaka u dareeray doorashooyinka dowladaha hoose ee Puntland. Coddeynta oo qof iyo cod ah waa tii ugu horeysay oo nooceeda ah oo ka qqbsoonta degaanada maamulkan.

Guuleed Saalax, guddoomiyaha guddiga KMG doorashooyinka Puntland, ayaa shir jaraa'id oo xalay uu ku qabtey Garowe ka sheegay in coddeynta horudhaca ah ee dowladaha hoose ay berri qabsoomi doonto.

Cod-bixiyeyaasha ayuu ku tartarsiiyey in ay "codkooda ku ciil-baxaan" una dulqaataan safafka dheer inta ay cod-bixinta socoto.

"Kaar lasoo xaday laguma coddeyn karo. Qofkii sidaas ku fekeraya waxaan leeyahay ha isku soo lu go'in. Qalabka hubinta ayaan keenay," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Sidoo kale, taleefannadu waa mamnuuc berri, goobaha doorashada dadka waxaa lagaga reebayaa irirrada, markaa waxaan dadweynaha u soo jeedinayaa in ay guryaha kaga soo tagaan taleefannada".

Taliyaha booliska Puntland, Cabdi Xasan Xuseen [Cabdi Yare], ayaa shirka jaraa'id ee Garowe ka sheegay in dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadweynaha uu ka reeban yahay magaalada Qardho inta ay coddeynta soconeyso.

Shacabka aan coddeynayn ayuu ku booriyey in ay guryahooda iska joogaan oo aysan u soo daawasho tagin goobaha cod-bixinta iyo in ay qeyb ka qaataan sugida nabad-gelyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM