Shaqaalaha wasaaradda maaliyada Puntland oo amar la siiyey

Image
Image
Image
Image
Madaxda xafiisyadan ayaa laga dhageystay warbixino ku aadan shaqooyinka ay u hayaan bulshadda Puntland.

GAROWE, Puntland - Agaasime Guud kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Abshir Maxamed Abshir, ayaa shir la yeeshay Agaasime Waaxeedyadda Cashuuraha Berriga iyo Furdooyinka.

Shirkan oo ka dhacay xarunta Maaliyadda ee Garoowe ayaa waxa ka qayb galay Madax- Qaybeedyadda xafiisyadda Dakhliga ee;

1 - Siyaadda

2 - Cashuur bixiyeyaasha waa weyn Maamulka

3 - Xafiiska u hoggaansanka cashuuraha iyo dhammaan Agaasimayaasha xafiisyadda kala duwan ee dakhliga.

Madaxda xafiisyadan ayaa laga dhageystay warbixino ku aadan shaqooyinka ay u hayaan bulshadda Puntland iyo sidii loo dardargelin lahaa shaqooyinka dhiman iyo gaarista yoolka xiga shaqada.

Kulankan ayaa lagu soo bandhigay dhammaan shaqooyinka qabsoomay iyo kuwa weli socda iyo sidii loo dardargelin lahaa shaqooyinka dhiman inta sanadku uusan dhammaan si loo gaaro yoolka sannadka 2021-ka loona bilaabi lahaa yoolka sannadka soo socda 2022-ka.

Shirka ayaa la isula qaatay in dhammaan guulahaas oo dhan lagu gaari karo Shaqooyinka taagan iyo ka gun-gaarka yoolka 2022-ka iyadoona ay ku xiran tahay hadba sida loo dhameeyo shaqooyinka u yaalla xafiisyadda Wasaaradda Maaliyadda.

Agaasime guud Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Abshir Maxamed Abshir soo xiray shirka ayaa u mahadceliyay dhammaan Agaasimayaasha iyo shaqaalaha xafiisyadda shaqooyinka ay u hayaan bulshadda Puntland.

Abshir waxa uu ku booriyay ka qayb galayaashii kankan in la dhameystiro dhammaan shaqooyinka u yaalla xafiisyadda inta uusan dhammaan sannadkan 2021.

Agaasime Abshir ayaa kula dardaarmay xafiisyadda kala duwan in ay sameeyaan shirar joogto ah, lana dardar geliyo shaqooyinka is looga mira dhaliyo shaqooyinka laqabanaayo

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM