Soomaaliya: Gaabisyada Xukuumada Madaxweyne Deni iyo Dhaqamada hogaankiisa lagu bartay.
GAROWE | Qoraalkaan wuxuu daba socdaa Qoraal aan 8dii bishaan kusoo koobay waxqabadkii madaxweyne Deni Mudadii uu xilka hayey oo afarsano ah, waxaana qoraalkaas si gaar ah ugu xusay qodobadii ay ku guuldaraysteen madaxweyneyaashii isaga ka horeeyey balse Madaxweyne Deni ku guulaystay.
Hadaba halkaan waxaan kusoo koobayaa qodobo dhowr ah oo kusaabsan gaabisyada xukuumada Madaxweyne Deni 4Sano kadib iyo Dhaqamo cusub oo ka fog nidaamka dawliga ah oo lagu bartay madaxweyne Deni mudadii uu xika hayey.
- Waxkaqabashada Arimaha Bulshada.
Dawlada Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni markii ugu horaysay ee ay xilka la wareegtayba waxay qaadatay fulinta go’aan aad u kharaar oo oo daba socda Go’aankii madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas uu wasaaradaha iyo hay’adaha dawlada ee kashaqeeya arimaha Bulshada uga jaray adeegyadii iyo lacagihii ay ku fulin jireen howlmaalmeedkooda taas oouu horay bilowgii 2018 madaxweyne Gaas u joojiyey isagoo ku sababeeyey in lacagtaas loo weeciyo dagaalka Tukaraq, waxaana markale dhibaato wayn ay soo gaartay wasaaradaha arimaha bulshada ka shaqeeya oo gabay shaqadii ay dadweynaha u hayeen taas badalkeedna kamid noqday ururada maxaliga ah ee deeqbixiyeyaasha ka qaata Mashaariicda.
Puntland oo horey marna aanan arimaha Waxbarashada, caafimaadka,Biyaha iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah wax lacag ah oo ka baxsan Mushaaraadka siin jirin ayaa taas sii laba jibaartay afartii sano ee uu xilka hayey madaxweyne Deni waxaana ay taasi dhibaato wayn u gaysatay hormarinta adeegyada dawliga ah inkasta oo deeqbixiyeyaashu ay taageero siiyaan Puntland.
2. Arrimaha waxbarashada.
Miisaaniyadda dawladda Puntland ee baarlamaanku ansixiyo waxay waxbarashadu ku leedahay inta u dhaxaysa 7% ilaa 8%, balse wasaaradda waxabrashadu ma hesho miisaaniyaddaas inkasta oo xisaab xirkasta lagu daro. Madaxwaynuhu waxa uu si cad u sheegay In waxbarashada iyo caafimaadku aysan muhiim u ahayn islamarkaasna arimaha amaanka iyo dimuquraadiyada wax laga waydiiyo Haddaba maxaa arrintaas ka dhashay?
Dawladda federaalka ah waxay qaaddaa imtixaan shahaadi ah, Puntland na waxa ay qaaddaa imtixaan shahaadi ah Ardayda ka qalin jabisa dugsiyada sare ee Puntland way ku adkaataa in ay helaan tasdiiqinta dawladda federaalka ah, taasina waxa ay keentay in sanad kasta ay magaalada Muqdisho u doontaan shahaadooyinka dawladda federaalka ah iyaga oo iibsinaya.
Magaalada Gaalkacyo ayaa ka mid ah meelaha sida wayn looga dareemay arrintaas. 1400 oo arday ayaa sanadkii 2021-2022 waxbarashadooda u badalatay dhinaca Gal-Mudug, waxaa mid kasta laga qaaday lacag u dhaxaysa 350-450 Doolar oo looga iibsanayo imtixaanka, iskuulladii ku yaallay dhanka Puntlandna waxa ay qarka u saran yihin inay xirmaan. Halkaas, waa markhaatiga cad ee muujinaya sida xukuumaddda madaxwayne Deni aysan muhiim ugu arag arrimaha waxbarahsada ama aysan dhaqaale iyo siyaasad ku filan u galin, waliba iyada oo madaxwaynuhu uu ka yimid dhanka waxbarashada oo uu muddo ku soo jiray, waxaad sidookale ogtahay in sanadkii hore uu halis galay nidaamka Waxbarashada ee Puntland kadib markii loo waayey wax lacag ah oo lagu saxo!
3. Isla xisaabtankan.
Weerarkii hubaysnaa ee Dawladu ay ku qaaday golaha Wakiilada kolkii uu socday mooshinkii ka dhanka ahaa gudoomiyihii hore ee golaha wakiilada ee Puntland iyo eryidii 8-Xildhibaan oo kamid ah golaha Wakiilada oo dhaliilijirtay madaxweynaha Puntland wuxuu dhaxalsiiyey in guud ahaan shaqada golaha Wakiiladu ay hoos u dhacdo, waxaana ay taasi sababtay in golaha wasiirada aanan laga xisaabtamin maamulka dalka ee dhanka Maaliyada, Xisaab xiryada,Kharashaadka dawlada iyo qaabka loo maareeyo intaba sidookalena adeeg la’aanta hay’adaha dawliga ah oo qaarkood iska dacweyey golaha wakiilada ayaana marna wax laga waydiin madaxweynaha waxaana ay taasi meesha ka saartay habka isla xisaabtanka ee dawladnimada.
4. Difaaca.
Mudadii uu Madaxweyne Deni dalka maamulayey waxaa meeshii ugu liidatay gaartay difaaca Puntland iskabadaa soo celinta gobolada maqane, Madaxweynaha ayaa dhowrmar saraakiisha ciidamada iyo wasiirada arimahaan qaabilsan ugu amray in aysan dhaliil ama hadalo dhaar ah warbaahinta u marin karin Somaliland, sidoo kalena waxaa ay dawladu ka gaabisay waxkaqabashada arimaha ka taagan gobolka Sool, Degmada kaliya ee ay Puntland sitoos ah uwada maamulaysay gobolka Sool oo ahayd Boocame ayaa ay Somaliland la wareegtay waxaana ay dawlada Puntland ugajawaabtay Aamus loo qaato ogolaansho.
5. Wasiiro aanan go’aanka wax kulahayn.
Wasiirada Deni ayaa intooda badani noqday Xubno aanan saamayn wayn kulahayn jaangoynta iyo maamulka siyaasada dalka, Madaxweynaha ayaana hoos u dhigay doorka Wasiirada ee siyaasada Dalka, waxaana uu Madaxweynuhu u baxaa safaro lagu galo magaca Puntland balse uu u baxo Madaxweynaha oo kaligiis ah mararka qaarna ay raacaan Xubno kamid ah Qoyskiisa, Safaradaas warbaahinta lalama wadaago sidoo kalena golaha Wakiiladu waxba kama waydiiyaan madaxweynaha, waxaana dadka reer Puntland ay u bixiyeen naynaasyo kaladuwan oo lagu muujinayo sida ay u yihiin dad suga un amarka madaxweynaha iyadoo qaybtood loo baxshay Lataliyeyaal, idmanayaal, Xoghayno, Khasnajiyo iyo magacyo kale, Wasiiro dhowrmar Madaxweynaha damcay in ay arintaas kala taliyaana waxaa laga saaray Golaha.
6. Madaxweyne Musharax u ah Booskale.
Madaxweyne Deni mudadii uu hayey xilka hayey wuxuu intabadan waqtigiisa ku mashquulsanaa arimaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaana sidii meesha looga saari lahaa xukuumadii madaxweyne Farmaajo waxaana ay taas reer Puntland dhaxalsiiyey in ay ugu kacdo qiimo wayn oo gabagabadiina kudhawaad 40-Malyan oo Dollar iyo dhamaan saraakiishii,xildhibanaadii iyo haybadii dawladnimo ee Puntland uu madaxweyne Deni kaladagay magaalada Muqdisho isagoo isku soo taagay madaxtinimada Soomaaliya taas oo barqo cad uu kasoo laabtay Muqdisho, waxaa Iyana xusuusmudan in madaxweyne Deni uu hantidaas, mansabkii iyo karaamadii uu huwanaa markale ku raadshay inuu noqdo Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya taas oo uu waayey, habkii loomaamulay doorashadii Xildhibaadana labada aqal ee Puntland kumatala dawlada Soomaaliya ayaad akhristo adna xusuusantahay oomarabo inaan taas waqtikaaga lumiyo.
Habdhaqanka Madaxweynaha.
Mudadii uu xilka hayey madaxweyne Deni waxaa si wayn loogu bartay dhaqamo layaableh oo aanan dawladnimada meelna kasoo galin balse uu isagu ku dhaqmo kuwaas oo aan kaxusikaro.
1. Dal WhattsApp laga xukumo.
Madaxweyne Deni waxaa uu markii ugu horaysayba soo saaray in kulamo iyo booqasho aanan marna loogu imaankarin, waxaana uu Madaxweynuhu xirtay dhamaan albaabada iyo taleefoonadiisa isagoo samaystay WhtsAPP hadba la badalo oo uu madaxweynuhu kawoco cidii uu markaas dan kaleeyahay, taasi waxay jartay xiriirkii madaxweynaha iyo dadweynaha reer Puntland.
2. Qoys dal maamula.
Mudadii uu xilka hayey madaxweyne Deni waxaa si wayn saamayn ugu yeeshay siyaasada Puntland qoyska madaxweynaha Wiilkiisa,Walaalaha madaxweynaha iyo qaraabada ilaaiyo Xididka madaxweynaha ayaa noqday cida loo daba fariistomasiirka Puntland, Sidookalena waxaa mudadii uu madaxweyne Deni Xilka hayey siwayn loobartay ganacsatada udhow Madaxweynaha oo siwayn ay u talada ugu daba fariistaan Wasiirada iyo xubnaha sarsare ee dawladu, Sidoo kalena Qoyska Madaxweynaha ayaa qaatay dhamaan mashaariicdii ugu waawaynaa ee dalka soo maray mudadaaas oo ay ugu danbaysay Korontada Boosaaso, Garoonka Boosaaso, Dekekada Boosaaso, dhismaha wasaaradaha qaybtood ilaa iyo Qaadka!
3. Hunguri Gorgorka Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa noqday Hogaamiye marooqsada dhamaan talada dalka, sidoo kalena Jiira cidwalba oo ay kala fikir duwanaadaan, doorkii madaxweynaha ee ahaa Turaalaha iyo Dhibrinta ayaa isku badalay Door Wax baadis iyo iiga Fuq un ku kooban waxaana taasi ay kaliftay in Dadweynaha iyo Siyaasiyiinta Puntland ay qaataan doorkii Madaxweynaha iyaguna marar badan uga tanaasulaan Madaxweynaha marka laga reebo Madaxweyne Kuxigeenkiisa oo ilaa hada khilaafaadyo aanan dhamaani ka dhexeeye iyo Hogaanka PSF oo ay dhowrmar Madaxweynaha Fooda isdareen Taas oo ay kamidyihiin dagaaladii ka dhacay Magaalada Boosaaso oo khasaaro xoog leh ay gaysteen welina aanan waxba la iska waydiin dhibaatadaas!
4. Ihaanada Madaxda dawlada.
Madaxweyne Deni marka lagatago habdhaqankiisa gaarka ah ee la xiriira sida uu ula dhaqmo madaxda dawlada oo qaybo ay kamidyihiin agaasimihii,kuxigeenkiisii iyo taliyihii Madaxtooyadu ay horey uga tageen shaqada hadana waxaa uu si toos ah warbaahinta uga dhaliilaa madaxda dawlada oo uu ku eedeeyo inaysan ahayn dad u qalma shaqada ay hayaan, horey wuxuu madaxweynuhu u sheegey in golihiisa wasiiradu aysan u qalmin badi xilalka ay hayaan balse uu ku khaldamay,wuxuu sidookale madaxweynuhu warbaahinta ka dhaliilay Booliska,Warbaahinta dawlada iyo hay’adokale iyadoo Ilhaamayntaas kasokow uusan madaxweyne Tilaabo kale qaadin.
5. Go’aanqaadasho xumo.
Madaxweyne Dawlada Punland Mudane,Siciid Cabdullaahi Deni mudadii uuxilka hayey waxaa si wayn loogu bartay in uusan qaadan Karin go’aamada muhiimka ah balse uu qaato go’aamo xaaladeed tusaale ahaan xiliyada uu xanaaqsanyahay oo uu cayrsho madaxda dawlada iyo xiliyo arimo siyaasadeed taaganyihiin, taas waxay kaliftay in hay’adaha dawladu ay kala daataan maadaama uusan marna madaxweyne shaqada ka eryin dad badan oo uu masuuliyiin ah kuwaas oo aaminsan in madaxweynuhu xilkaka qaadayo kalsooni ximadaas ayaa keentay in ay saamyso shaqada dawlada, waxaa xusid mudan in masuuliyiin markii xilkalaga qaadi waayey iyagu iscasilay, sidoo kalena hanti dhowrka ayaanoqday gabaad loogu soo gabado cidii xilka si toos ah looga qaadi waayo waxaana taas lagu arkay xil ka qaadistii masuuliyiintii degmooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso iyo agaasimeyaal qaybtood weli banaanka jooga balse aanan xilalka laga qaadin.
W/Q Abdikani Hayir