Taliye cusub oo loo magacaabay booliska Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland wuxuu u magacaabay Sareeye Guuto Maxamed Cali Xaashi.

Xaashi ayaa badalaya Cabdi Yare oo horay u soo noqdey madaxa hay'adda mukhaabaraadka dowladda Puntland.

Sidoo kale, Xaashi ayaa tan iyo dowladdii Cabdiraxmaan Faroole wuxuu ahaa taliyaha ciidamadda booliska dekadda Boosaaso.


MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY TALIYAHA CIIDAMADA BOOLISKA PUNTLAND.

Garoowe: 01 November 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 32 ee 1-da November 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga.

Markuu la tashtay: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/Guuto Maxamed Cali Xaashi loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

*Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND


Isbedelkan ayaa kusoo aadaya xilli lagu wado in dowladda Puntland ay maalmaha soo aadan bilowdo doorashooyinka Aqalka Hoose taasoo ka dhaceysa magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe.

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM