Taliye cusub oo loo magacaabay saldhiga dekada Boosaaso

Image
Madaxtooyadda Puntland ayaa faafisay madaxwayne Deni uu isbedelkan sameeyay.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 36 ee 7-da November 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha Saldhiga Dekedda.

Sida ku xusan digreetadan lagu faafiyey ciwaanka madaxtooyadda ee Facebook-ga, Waxaa G/dhex Warsame Axmed Shirwac loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Dekedda Boosaaso.

Wareegtaddan nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu caddeeyay in Maxamuud lagu xushay "Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa Shaqo".

Hoos ka akhriso wareegtadda

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 36 ee 7-da November 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha Saldhiga Dekedda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/dhex Warsame Axmed Shirwac loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Dekedda Boosaaso.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD


Warsame ayaa badalaya Maxamed Cali Xaashi kaasoo todobaadkii hore uu Deni u magacaabay taliyaha guud ee booliska Puntland ka gedaal markii uu eryay Cabdi Yare oo jagadaas hayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM