Wasiir ka tirsanaa Puntland oo u dhintay Coronavirus

Image

GAROWE, Puntland - Wasiir Ku-xigeenkii wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka ee Puntland, Asad Xuseen Xaashi, ayaa aroornimadii Isniinta maanta ah wuxuu ku geeriyooday magaaladda caasimadda ah ee Garoowe.

Sida ay sheegayaan wararka, marxuumka oo isbitaalka la dhigay Axadii shalay ahayd ayaa u geeriyoodey cudurka dilaaga ah ee Coronavirus kaasoo fara kulul ku haya degaanadda Puntland.

Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa, sida laga soo xigtay war qoraal ah oo lagu daabacay barta Facebook-ga ee Madaxtooyadda dowladda Puntland, wuxuu murugada la wadaagay qoyska marxuumka.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Mudane Siciid Cabdulahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka ee Puntland Asad Xuseen Xaashi oo ku geeriyooday Garoowe," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka ayaa intaas la raaciyey: "Waxaan dhammaan ummada Soomaaliyeed, Shacabweynaha Puntland iyo Golaha Xukuumadda Puntland, uga Tacsiyeeynaya geerida Alle ha u naxariistee Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka ee Puntland Asad Xuseen Xaashi oo ku geeriyooday Garoowe".

"Marxuumku waxa uu ahaa masuul usoo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa, waxaana alle uga baryaya inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, dembigiisa dhaafo, su'aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay," ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Bishii May, 2020, Wasiirkii Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland, Ismaaciil Diiriye Gama’diid, ayaa u dhintay cudurka Coronavirus ugu geeriyooday magaalada Muqdisho halkaasoo daaweyn loogu qaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM