Xubno ka tirsanaa xukuumada Puntland oo noqdey Senators

Image
Puntland ayaa Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxay ku leedahay 11 xubnood. [Photo: PP]

GAROWE, Puntland - Xubno ka tirsan xukuumada madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kusoo baxay xubinimadda Aqalka Sare ee federaalka kuwaasoo Puntland matali doona afarta sano ee soo aadan.

Maxamed Cabdi Cismaan Majiino, wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda Puntland, ayaa si gacan-taag ah ugu guuleystay kursiga saddexaad isaga oo helay 65 cod kadib markii uu u tanaasulay Maxamed Geedi Maxamuud.

Cabdullaahi Cali Xersi [Timacade], wasiirkii warfaafinta Puntland, ayaa cod-gacan-taag ah ugu soo baxay kursigii afaraad ee Aqalka Sare federaalka kadib markii uu tartanka ka haray Cabdullaahi Maxamed Xaashi Nuur. Timacade wuxuu helay 65 cod oo ogol ah mana jirin cid diidey.

Seynab Ismaaciil Maxamed, wasiir ku xigeenkii wasaaradda degaanka, beeraha iyo isbedelka cimilada Puntland, ayaa kusoo baxdey kursi Aqalka Sare ah iyaddoo qaab gacan-taag ah ku heshay codad dhan 65 kadib markii ay tartanka ka hartey Aamino Jaamac Ibrahim.

Cabdiqani Geelle Maxamed, wasiiru-dowlihii kalluumeysiga, ayaa ku guuleystay in uu Puntland ku metelo Aqalka sare ee federaalka Soomaaliya kadib markii uu musharaxii la tartamayay oo ah Cabdiqaadir Maxamed Yuusuf oo kaga adkaadey 52-12.

Puntland oo la aas-aasay 1998-dii ayaa Senate-ka Soomaaliya waxay ku leedahay 11 xubnood. Kaliya waxaa lamid ah Somaliland halka dhamaan maamulada kale ay ku leeyihiin golahan min 8 xubnood.

Sida uu xeerinayo dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya oo ah kan ugu badan ee maalgelinta lagu sameeyay, Aqalka Sare ayaa metela danaha dowlad goboleedyadda xubnaha ka ah dowladda federaalka.

Doorashadda Aqalka Sare ayaa qorshuhu ahaa in ay bilaabato 25-ka July, 2021, balse waxaa dib-u-dhaca ku keenay khilaafaad kasoo shaac-baxay qadiyadda kuraasta goboladda waqooyi oo wali aan xal loo helin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM