Rabiile Shire Xuseen: Nin Soomaali ah oo lagu dilay Denmark
LONDON, United Kingdom - Muwaadin Soomaaliga ah oo lagu magacaabi jiray, Rabiile Shire Xuseen, ayaa lagu dilay magaalada caasimada u ah wadanka Denmark ee Copenhegen.
Tuhunka ah in lagu dilay tooreey ayaa xoogeystay iyada oo Boolisku ay sheegeen in ay arintaasi ku bilaabeen baaritaan.
Labo nin ayaa dhacdada loosoo xiray iyada oo Marxuumka oo jiray da'da 48 la filayo in dhawaan loo ogolaado qoyskiisa in ay meydka arkaan.
Dilalka Soomaalida qurbaha ayaa sii kordhay iyada oo inta badan ay ka dhacaan waqooyiga Maraykanka iyo Canada.
Inkasta oo la sameeyay hay'addo kala duwan oo wacyigelinta u qareemista dhalinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha la sameeyay haddana waxaa muuqata in wali la muujinayo qaylo dhaan.
GAROWE ONLINE