Saraakiil iyo dakhtar lagu helay Al-Shabaabnimo oo la toogtey

Image
BiyaamalowJeego, iyo Fanax ayaa la sheegay in ay Muqdisho ka geystaan qaraxyo iyo dilal.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda ciidamada ayaa maanta oo Arbaca ah xukun dil ah ku fulisay saddex nin oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaasi oo lagu helay fulinta qaraxyo iyo dilal.

Saddexda nin ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyaamalow), Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle (Jeego), iyo Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhakhtar Fanax).

Ragga xukunka lagu fuliyay ayaa labo ka mid ah waxay horay uga tirsanaan jireen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya waxayna kala yihiin Biyaamalow iyo Jeego.

Dhakhtar Fanax ayaa lagu waramay in uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab isla markaana uu xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida u qaabilsanaa dhanka caafimaadka.

Maxkamadda ayaa saddexdan nin ku heshay dambiyada ah in ay dileen dad rayid ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, sidoo kalena ay soo abaabuleen qaraxyo ay dad badan ku dhinteen, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata mid dardar gelineysa fulinta xukunnada dilka ah, iyadoo saddexdan nin lagu xukumay bilihii lasoo dhaafay Maxkamada ciidamada qalabka sidda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madasha Somali Business oo si rasmi ah looga daahfuray Muqdisho [Sawirro]

Xafladdan waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday dowladda, ganacsatada, khubaro dhaqaale.

  • Wararka

    07-08-2025

  • 07:16PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM