Sharci cusub oo laga soo saaray dadka u tahriibaya Maraykanka

Image
11-ka bisha May ee sanadkan ayuu dhaqan-galayaa xilligaasi oo uu dhacayo sharcigii hore ee Karoonaha.

WASHINGTON, USA - Xilli ay aad u korortay tirada dadka sida sharci darada ah ku galaya Maraykanka ayna Soomaalida kamid tahay, dowladda Maraykanka ayaa soo saartay sharci lagu xakamaynayo qulqulka dadkaasi.

Sharcigani ayaa dhigaya in aanan magangalyo la siin doonin qof iska soo dhiibay xudduudda koonfureed ee Maraykanka , waxaana laga doonayaa qofkaasi in uu magangalyo weeydiisto dalka kale ee uu soo maray.

Go'aankan oo lamid ah mid 2019-kii uu keenay madaxweynihii hore Trump ayay balse laashay maxkamad ku taala dalkaasi, waxaana hadda la hubaa in dacwad kale laga geyn doono sharcigan.

Inkasta oo mamnuucis sal iyo baar ah aysan ahayn, haddane waxa ay saraakiisha xukuumadda Joe Biden sheegeen in kiiska qofka magangalyo doonka ah ay aad u adkaan doonto in laga aqbalo.

Sharcigan cusub ayaa dhaqangalaya 11-ka bisha May ee sanadkan, xilligaasi oo uu dhacayo waqtiga loo qabtay sharcigii hore ee Karoonaha ee loo yaqiinay Title 42, kaas oo laftiisa labo jeer ay maxkamad dib u dhigtay xilliga uu dhacayo.

Wasaaraddaha arrimaha gudaha iyo tan caddaalada ayaa sheegay in haddii aanan wax laga qaban ay tirada soogalootiga Maraykanka maalin kasta gaari doonto 11 kun illaa 13 kun oo qof.

Dad gaar ah ayaase la aqbali doonaa sida da’yarta kaligood socda iyo dadka sida xoogga ah loosoo tahriibiyay iyo kuwa muujiyay xaalado halis ah oo daran in ay kasoo qaxayaan sidda colaado sokeeyeiyo hanjabaadyo dil ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madasha Somali Business oo si rasmi ah looga daahfuray Muqdisho [Sawirro]

Xafladdan waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday dowladda, ganacsatada, khubaro dhaqaale.

  • Wararka

    07-08-2025

  • 07:16PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM