Shiinaha oo xabsi daa'in ku xukumay muwaadin Ameerikaan ah

Image
John Shing-Wan Leung oo 78-sano jir ah ayaa waxaa lagu eedeeyay jaajuusnimo.

BEIJING, China - China ayaa 78-sano jir Mareykan ah ku xukuntay xabsi daa’in, kaddib markii lagu eedeeyay basaasnimo, sida ay maxkamaddu sheegtay, waana kiis kale oo sii adkeyn kara xiriirka labada dal oo markii horeba meeshii ugu xumaa gaarey.

Faahfaahinta kiiska ka dhanka ah John Shing-Wan Leung, oo sidoo kale degenaansho joogto ah ku leh Hong Kong, ayaa illaa haatan si cad loo shaacin.

"Waxaa lagu helay dambi ah basaasnimo, waxaana lagu xukumay xabsi daa'in, waxaa laga xayuubiyay xuquuqaha siyaasadeed ee nolosha", ayaa lagu yiri bayaan Isniinta maantaa h ka soo baxay maxkamadda magaalada Suzhou ee bariga Shiinaha.

Afhayeen u hadlay safaaradda Mareykanka ee Beijing ayaa sheegay inay ka war hayaan wararka sheegaya in muwaadin Mareykan ah dhawaan lagu maxkamadeeyay laguna xukumay Suzhou.

"Wasaaradda Arrimaha Dibadda ma laha mudnaan ka weyn badqabka iyo ammaanka muwaadiniinta Mareykanka ee dibadda," ayuu yiri afhayeenku. "Tixgelinta gaarka ah awgeed, ma hayno faallo dheeraad ah".

Xukuumadda Hong Kong, oo hore u gumaysan jirtay Ingiriiska oo dib loogu soo celiyay xukunka Shiinaha sannadkii 1997, ayaan iyaduna wax war ah kasoo saarin arrintan.

Shiinaha ayaa bishii hore ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay sharciga ka hortagga basaaska, iyadoo la ballaarinayo qeexida basaasnimada iyo mamnuucidda wareejinta xog kasta oo la xiriirta waxa ay mas'uuliyiintu go'aamiyaan inuu yahay amniga qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM