Aadan Madoobe oo warbixin cusub laga siiyey kiiska badda

Image
Image
Image
Image
Image
Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa booqdey xarunta Maxkamadda ICJ ee magaaladda The Hague.

THE HAGUE, Holland - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa uu kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ICJ ee Joan Donoghue.

Aadan Madoobe ayaa booqasho rasmi ah wuxuu ku joogaa magaalada The Hague ee dalka Netherlands halkaasoo uu gaarey todobaadkan kadib markii uu casuumaad ka helay dhigiisa dalkaas.

"Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, ayaa waxaa xarunta Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ICJ ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Maxkamadda Marwo Joan E. Donoghue," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

War-saxaafadeedka ayaa intaas waxaa kusii daray: "Kulanka wuxuu ahaa isbarasho iyo is xogwareysi ku aaddan sidii Soomaaliya loogu faaideyn lahaa shaqada garsoorka".

"Sidoo kale, gudoomiyaha ayaa warbixin laga siiyey kiiskii badda Soomaaliya iyo Kenya oo Baarlamaanka KMG ah diideen xiligii uu gudoomiyaha ahaa iyo qaabka ay u shaqeyso maxkamadda iyo taariikhdeeda," ayaa la raaciyey.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Sheekh Aadan iyo wafdigiisa oo Joan Donoghue uga mahadceliyey soo dhoweynta ballaaran ee loo sameeyey ayaa xusay in maxkamadda ay gacan ka geeysato sidii loo tayeyn-lahaa adeegyaadda garsoorka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM