Afhayeenka senate-ka Kenya oo “Jamhuuriyad” ku tilmaamay Somaliland

Image
Afhayeenka ayaa ku tilmaamay xiriirka Somaliland-Kenya mid taariikhi ah.

NAIROBI (GO) - Afhayeenka senate-ka Kenya Amason Jefa Kingi ayaa noqday mas’uulkii ugu dambeeyay ee Kenya ka tirsan ee iska indha tira siyaasadda Soomaaliya oo mid ah, isagoo ku sifeeyay maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland inuu yahay jamhuuriyad.

Afhayeenka ayaa soo hadal qaaday in xiriirka Somaliland ee la leedahay Kenya uu soo jiray ilaa waayihii gumeystaha Ingiriiska, taasoo keentay in nidaamyada iyo haykalka dawladnimo ee labada "dal" ay noqdeen kuwoo isku dhow ka dib markii ay xorreyadda qaateen, sida uu hadalka u dhigay.

Kenji ayaa sidoo kale la kulmay Madaxa Xafiiska Xiriirka Somaliland ee Nairobi Maxamed Axmed Maxamuud wuxuuna ku tilmaamay “Safiir u fadhiya Kenya”.

Afhayeenka oo ka warbixiyay kulanka ayaa yiri: "Waxaan sahminnay habab cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya dowladeena iyo hay'adahooda kala duwan, oo ay ugu horreyaan baarlamaannada labada dal."

Kenji ayaa markii dambe tiray qoraalkan oo uu soo dhigay bartiisa ‘X’ ee hore loo yaqaan Twitter, balse dowlada Kenya ayaan wali wax raali gelin ah ka bixin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM