Qorshaha XF Soomaaliya ee Galmudug oo wajahaya madax xanuun

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Ururka Ahlu Sunna iyo murashaxiin ayaa waxay diideen guddigii dowladda federaalka u magacowday isku dabaridka howlaha maamul dhisida ee dowlad goboleedka Galmudug.

Siyaasiyiinta Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen [Odowaa] iyo Kamaal Guutaale ayaa ku tilmaamay guddiga "mid sharci darro ah oo aanan loo dhameyn isla markaana lagana talogelin iyaga".

Odowaa ayaa ah xubin ka tirsan baarlamaanka federaalka iyo xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka; halka Guutaale uu yahay gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir.

Dhinaca kale, hogaanka ururka Ahlu Sunna ayaa magacaabista Guddigaas ku sifeeyay talaabo "baalmarsan Dastuurka iyo Heshiiskii ay la galeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya".

"Sidaasi awgeed, cid kasta oo daneyneysa dhismaha Galmudug iyo wanaageeda, waxaan ku wargelineynaa in aanan la aqoonsaneen guddigaas ay magacowday dowladda dhexe ee Soomaaliya," ayaa lagu yiri.

Cabdiraxmaan iyo Guutaale oo ku booriyay saamileyda Galmudug in ay "ka tashadaan aayahooda" ayaa guddiga ay xukuumaddu magacowday ku tilmaamay "kuwa murashax gaar ah u olaleynaya".

Sidda ku xusan warka qoraalka ah ee Ahlu Sunna, dowladda federaalka waa in aysan sabab u noqon qalalaase siyaasadeed iyo mid kala fogaansho ooay Galmudug dib ugu laabato.

Diidmadan is-daba socota ayaa madax banaan horleh waxay ku noqoneysaa qorshaha xukuumadda ee Galmudug, kaasi oo ah in ay coddeynta ka hesho natiijo ka qoslisa.

QORAALKA AHLU SUNNA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM