Ahlu Sunna oo u digtay DF Soomaaliya kuna eedeysay "faquuq siyaasadeed"

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Ahlu Sunna Waljameeca oo qoraal soo saartay ayaa mar kale ku celisay in Dowladda federaalka Soomaaliya "ay afduubatay" dhamaan nidaamka doorashooyinka Galmudug.

Bayaanka ayaa kasoo baxay xafiiska Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, madaxa xukuumada dowlad goboleedkaas.

Ururka oo xukuumadda ku dhaliilay "in ay uga baxday" heshiisyo iyo balamo ay wada galeen ayaa sheegay in hogaankiisa uu maamulka madaxweyne Farmaajo kala kumayo "faquuq siyaasadeed".

Iyagoo cuskanaya go'aanka murashaxiinta ku sheegeen in aysan kaga qeybgaleen doorashada, Ahlu Sunna waxay xustay in masiirka Galmudug uu mugdi ku jiro lana heli karin "maamulkii la sugayey".

Dowladda Federaalka oo ay ku dhaleeceeyeen "maroorsiga habka coddeynta" ayay tibaaxeen in ay dooneyso in murashaxiinta mucaaradka ee jagada madaxtinimada ay tartanka ka noqdaan "malxiis".

"DFS waa in ay tixgelisaa talada wax-garadka Galmudug iyo saamileyda siyaasadeed, taladaas oo ah soojeedinta sidii wax u hagaagi lahaayeen, Galmudug mid ahna loo dhisi lahaa," ayuu raaciyey.

Ugu dambeyntii, Sheekh Shaakir ayaa warqada ku sheegay in hadii Villa Soomaaliya u hogaan-sami weyda xalinta arrimaha haatan jirta ay "doorasho loo dhan yahay" ku qaban doonan Dhuusamareeb.

Qoraalka Shaakir

Image may contain: text

GAROE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM