Ahlu Sunna Waljameeca oo soo xulatay Xildhibaano cusub

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Hogaanka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa lagu waramayaa in maanta oo Talaado ah ay magaalada Dhuusamareeb kaga dhawaaqeen Xildhibaano cusub.

Tirada mudaneyaasha ayaa gaareysa 69 xubnood, sidda ay xaqiijinayaan wararka ka imaanaya magaalo madaxda maamulka Galmudug.

Xildhibaanada ayaa, sidda ay ururku sheegtay, waxay dooranayaan madaxweynaha iyo ku xigeenka dowlad goboleedkaas Soomaaliyeed.

Warbixinada ayaa tibaaxaya in xubnaha Ahlu Sunna soo qoratay badankoodu yihiin sharci-dejiyeyaashii ay soo liis-gareysay kadib heshiiskii lagu saxiixay Jabuuti.

Talaabadan cusub ayaa xoojineysa cabsida laga qabo in Galmudug yeelato madaxweyneyaal kala duwan xili Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb ay ka socoto qaban-qaabada saddex doorasho.

Dhanka kale, hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ku baaqay in la dhageysto dhinacyadda kasoo horjeeda qorshaha dowladda federaaalka ee Galmudug.

"Galmudug maaha meel hal qolo jeebkeeda deeqda. Intii badnayd Saamilayadii siyaasadeed ee reer Galmudug way hadleen. Waxaan filayaa in beesha caalamkana ay dhowaan hadli doonaan".

Siyaasiga oo sii hadlaya ayaa intaas ku daray: "Waxaan kula talin lahaa kooxda N&N iyo saaxibadooda waaya-arag ee Dhuusamareeb wakiilka uga ah in ay lafa gaarka iyo goodiska joojiyaan".

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya ayaa kusoo gabagabeeyay hadalkiisa: "Galmudug loo dhanyahay, la wada leeyahay ayey danta dadka iyo deegaanka Galmudug ku jirta".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM