Al-Shabaab oo fagaare ku toogatay dad uu ku jiro oday 75-sano jir ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe waxay gobolka Jubada Hoose ku toogteen saddex qof, sidda ay baahisay warbaahinta kooxdaas hubeysan.

Saddexda qof ayaa la sheegay in laba kamid ah ay ahaayeen askar, halka dhibanaha kale uu ahaa oday 79-sano jir ah, sidda ku warbixinta.

Toogashadooda ayaa timid markii "ay dambi ku heshay" mid kamid ah maxkamada ururkaas gacansaarka la leh dagaalameyaasha Al-Qaacida.

Fulinta xukunka ayaa sidda cadaada u ah Al-Shabaab waxay ka dhacday goob fagaara ah oo ku taala Kamsuuma oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Magacyadda dadka la dilay ayaa lagu sheegay;

1-Muuse Xuseen Siyaad, 31-jir lagu eedeeyay in uu kamid ahaa kumaandooska Soomaaliya ee Mareykanku ku tababaray xerada Balidoogle.

Al-Shabaab waxay sheegtay in Siyaad ay ka qabatay wadada xiriirisa degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

2-Xuseen Maxamed Cabdi, 20-jir lagu eedeeyay in uu kamid ahaa daraawiishta Jubaland kana soo howlgalay Baar-Sanguuni, ayaa la tilmaamay in laga qabtay gudaha gobolka Jubada Hoose.

3-Falliir Yaroow Cali, 75-jir la tibaaxay in uu la shaqeynaayey ciidamada Kenya ee Hoosingoow, ayaa la xusay in uu tababar kusoo qaatay xerada Kamaga. Lama sheegin halka laga xiray.

Marka laga soo tago sheegashada Al-Shabaab, ma jiraan illo madax banaan oo xaqiijinaya eedaha loo dilay shaqsiyaadka, in ay heleen maxkamadeyn cadaalad ah iyo qareeno difaaca doodooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM