Al-shabaab oo laga qabsadey degmada Tiyeglow gobolka Bakool

Image

TIyeglow [ GAROWE ONLINE] -Ciidamada dowlada Federaalka ee Somalia iyo kuwa AMISOM oo ka socda dalka Ethiopia ayaa la wareegeen gacan ku haynta magaalada Tiyeglow ee gobolka Bakool.

Ciidamadaan oo go'doomiyey maalmihii la soo dhaafey magaalada ayaa Tiyeglow qabsadey maanta 25 August,2014 duhurkii. Tiyiglow ayaa ah degmadii ugu dambeysay ee gobolka Bakool laga qabsado urur Al-Shabaab.

Gudoomiyaha gobolka Maxamad Cabdi Tool oo la hadley saxaafada qabsashadaan kadib ayaa shegeey in xoogaga Al-shabaab isaga baxeen degmadaas inta aysan ciidamada huwanta ah soo galin magaladaas isagoo xusey in tuulooyin gobolka ah ay ku dhuumaleysanayaan kooxdaan.

Maxamad Tool ayaa sheegey in qorshaha-hoodu yahay iney kala dagaalmaan kooxdaan iney ceelsha biyaha qabsadeen isagoo u sheegey dadweynaha degmada iney dib ugu soo noqdaan Tiyeglow.

Xogaga Al-shabaab ayaa isaga baxa magaalooyinka waaweyn markii ciidamada huwanta ah soo weeraraan kuwaasoo ka go'doomiya  wadooyinka soo gala degamadaas.

Magaalada Buulobarde ee gobolka Hiraan ayaa maalmihii la soo dhaafey dadweynaha ku nool dibadbaxyo ka sameeyeen kadib markii cunaqabateyn kaga timid kooxaha Al-shabaab.

Degmada Teyiglow ayaa  goob muhiim kaga taal gobolka Bakool taasoo ku xirta deegaamada kale oo ay dariska yihiiin. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM