Al-shabaab oo laga qabsadey degmada Tiyeglow gobolka Bakool

Image

TIyeglow [ GAROWE ONLINE] -Ciidamada dowlada Federaalka ee Somalia iyo kuwa AMISOM oo ka socda dalka Ethiopia ayaa la wareegeen gacan ku haynta magaalada Tiyeglow ee gobolka Bakool.

Ciidamadaan oo go'doomiyey maalmihii la soo dhaafey magaalada ayaa Tiyeglow qabsadey maanta 25 August,2014 duhurkii. Tiyiglow ayaa ah degmadii ugu dambeysay ee gobolka Bakool laga qabsado urur Al-Shabaab.

Gudoomiyaha gobolka Maxamad Cabdi Tool oo la hadley saxaafada qabsashadaan kadib ayaa shegeey in xoogaga Al-shabaab isaga baxeen degmadaas inta aysan ciidamada huwanta ah soo galin magaladaas isagoo xusey in tuulooyin gobolka ah ay ku dhuumaleysanayaan kooxdaan.

Maxamad Tool ayaa sheegey in qorshaha-hoodu yahay iney kala dagaalmaan kooxdaan iney ceelsha biyaha qabsadeen isagoo u sheegey dadweynaha degmada iney dib ugu soo noqdaan Tiyeglow.

Xogaga Al-shabaab ayaa isaga baxa magaalooyinka waaweyn markii ciidamada huwanta ah soo weeraraan kuwaasoo ka go'doomiya  wadooyinka soo gala degamadaas.

Magaalada Buulobarde ee gobolka Hiraan ayaa maalmihii la soo dhaafey dadweynaha ku nool dibadbaxyo ka sameeyeen kadib markii cunaqabateyn kaga timid kooxaha Al-shabaab.

Degmada Teyiglow ayaa  goob muhiim kaga taal gobolka Bakool taasoo ku xirta deegaamada kale oo ay dariska yihiiin. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Rooble: Anigu waxa aan ka diiday Farmaajo, Xasan Sheekh kama aqbalayo

Rooble ayaa tilmaamay in doorashooyinka dalka ee mustaqbalka ay tahay in ay noqdaan kuwo loo wada dhan yahay oo waqtigooda ku dhacda.

  • Soomaliya

    23-02-2025

  • 09:06AM

Xasan Sheekh: Waxaan garab taagannahay Ciidamada dowladda Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in guushii deyn cafinta kaddib ee dhammaadkii sanadkii 2023.

  • Soomaliya

    22-02-2025

  • 04:38PM