Amaro culus oo la dul dhigay dadka ku ganacsada hareeraha Zoobe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, Cumar Cabdullahi Xasan, ayaa amaro cusub dul dhigay ganacsatada yar yar ee ku ganacsata hareeraha Isgoyska Soobe ee Muqdisho.

Isagoo maanta ka hadlay goobta qaraxa uu ka dhacay 14-kii bishan October, ayaa Gudoomiyaha wuxuu ku dhawaaqay in wixii maanta ka dambeeyay aan lagu ganacsan karin wadada qarkeeda.

Dadka amarkan sida tooska ah u saameynayo waxaa kamid ah Ganacsatada Qaadka, Shidaalka iyo meheradaha yar-yar ee dadka xoog-satada ah ay halkaasi ku lahaan jireen qaraxa kahor.

Maamulka ayaa sheegay in ganacsatada looga baahan yahay iney u hogaansamaan amarka Maamulka ka soo baxay, oo dhaqan-galkiisa uu maanta ka billaabanayo wadadaasi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in amarkan uu ka dambeeyay markii ay ogaadeen in qaraxii 14-kii bishan uu saameynta ugu badan uu ku yeeshay ganacsatada yar yar ee fadhiyay jidka qarkiisa.

Waxa uu intaasi ku daray in maamulkiisa hadda kadib ka shaqeyn doono sidii ganacsiga yaryar ee aan ku jirin dhismooyinka kuwa u kireysan looga fogeyn lahaa goobaha Isgoysyada ah.

Qaraxiika dhacay Zoobe 14-kii bishan waxaa ku dhintay ku dhawaan 400 oo ruux, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 220 qof kuwaasi oo u badan dad shacab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM