Amiirka Al-Shabaab oo hanjabaad kasoo saarey doorashada

Image
SAWIR HORE: Amiirka Ururka Al Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya – Hogaamiyaha maleyshiyada Al-Shabaab, Axmed Cumar Abuu Cubeyda, ayaa cod uu soo duubay wuxuu ugu hanjabay ergada ka qeybgaleysa doorashooyinka federaalka ee soo aadan ee Soomaaliya.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayuu ka dhawaajiyey in ay kasoo horjeedo geedi-socodkan.

"Ayaga [hogaamiyeyaasha] ma damaanad-qaadi karaan ammaankiina," ayuu ku yiri codkan oo lagu faafiyey warbaahinta taageerta dagaalameyaasha.

Ma cadda goobta iyo goorta lagu duubay codkaas. Hase ahaatee, maleyshiyaddu waxay sheegtay in la qabtey kadib weerarkii ay ku qaadeen Boosaaso bishii Maaj.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddo xileedkiisa wuxuu dhamaadey bishii April, halka madaxweynaha uu ka dhacay Febraayo, 2021, waxaana xigay jahwareer siyaasadeed oo kusoo dhamaadey doorasho dadban.

Dhanka kale, golaha wadatashiga qaranka oo hadda mas’uul ka ah hanaanka doorashooyinka ayaa illaa haatan wax jawaab ah ka bixin hanjabaadda argagixisadda.

Bilowgii muddo xileedka dowladda Farmaajo ee waqtiga ka dhamaadey, magaalooyin ay caasimada Muqdisho kamid tahay waxaa siyaabo kala duwan loogu dilay ergooyinka soo xulay xubnaha baarlamaanka 10aad.

Dabayaaqaddii 2019-kii, waxaa soo ifbaxdey in Al-Shabaab ay degaanadeeda ugu yeertay inta ka hartey ergada iyo odayaasha dhaqanka. Qaarkood waxay sheegeen in todobaad ay la joogeen lagu sameeyay "dhaqan-celin".

Tani ayaa sarre waxay u qaadey cabsida ku saabsan in baarlamaanka soo aadan ay saameyn ku yeelato kooxda. Madaxtooyadda Soomaaliya waxay hore walaac uga muujisay in ay soo baxaan "sharci-dejiyeyaal Al-Shabaab ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM