António Guterres oo dalab u diray saamileyda siyaasada Soomaaliya

Image

NEW YORK, USA - Xoghayaha guud ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa wuxuu aad uga walaacsan isku-dhacyada hubeysan ee kasoo cusboonaadey caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sida uu daaha ka qaadey afhayeenkiisa.

António Guterres ayaa, sida laga soo xigtay Stéphane Dujarric oo war-saxaafadeed soo saarey, hoosta ka xariiqay in hogaamiyeyaasha Soomaalida u baahan yihiin in ay ka fogaadaan isku-dhacyo kale.

Sidda ku cad qoraalkan nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online, Mr Guterres ayaa aaminsan in saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya ay kala aragti-duwanaanta ku xaliyaan wadahadal iyo isu-tanaasul.

"Xoghayaha guud wuxuu ka dalbanayaan hogaamiyeyaasha Soomaalida in ay si deg-deg ah dib ugu bilaabaan wadaxaajoodyadda ayna kala saxiixdaan heshiis ku saleysan nocoa doorasho ee 17-kii September iyo soojeedintii Baydhabo," ayaa lagu soo xiray bayaanka.

Isku-dhacyadda ayaa Axadii waxay qeybo kamid ah magaalada caasimada ah ee Muqdisho ku dhexmareen ciidamo kawada tirsan xoogga dalka balse kala taabacsan dowladda waqtiga ka dhacay iyo mucaaradka.

Dhanka kale, Muqdisho ayaa wali wajaheysa deganaanshiyo aan caga-badan ku taagneyn. Qeybo kamida caasimadda waxaa laga soo wariyey barakac iyaddoo rayidku ka baqayo isku-dhac kale.

Ciidamadda mucaaradka ee joogay wadada Cabdiqaasim ayaa u aag-bedeshay xaafada Siigaale ee degmada Hodan, halka kuwa taliska waqtiga ka dhacay Farmaajo ay u dibamareen "burburiyeenna dhufeesyadii ay halkaas ku lahaayeen".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM