Aqalka Sare oo ka hor-yimid muddo kordhinta Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hor-yimid muddo kordhinta labada sano ah ee Golaha Shacabka u sameeyay maamulka Farmaajo.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddoonka Senate-ka ayaa "sharci darro" wuxuu ku tilmaamay qaraarka labada sano ugu daray hogaanka federaalka ee muddo xileedkooda dastuuriga dhacay.

Bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu caddeeyay in "go'aanka hal dhinaca ee Golaha Shacabka" uu waddanka u horseedayo xasiloono daro siyaasadeed.

Madaxda dowladda federaalka ah ee waqtiga ka dhamaadey ayuu cod dheer ugu baaqay in ay dib ugu laabtaan miiska wadaxaajoodka isla markaana ay heshiis ka gaaraan doorashooyinka 2020-21.

Beesha Caalamka iyo ururada bulshadda rayidka ayuu dhankooda wuxuu ku tartarsiiyey in ay u turaan waddanka isla markaana aysan "faraha kala bixin" xaalada cakiran ee waddanka wajahayo.

Soomaaliya ayaa ku dhowaad sagaal bilood waxay dhexda kaga jirtaa jahwareer siyaasadeed oo ka dhashay is-mari-waa ka taagan qabsoomida doorashooyin daahfuran oo loo dhan-yahay.

Kadib markii ay fashilmeen dedaaladii ugu dambeeyay, guddoonka Golaha Shacabka oo taabacsan Farmaajo oo waqtigiisu ka dhacay laba bilood kahor ayaa maanta iclaamiyey kororsi laba sano ah.

Qoraalka Cabdi Xaashi

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM