Arday ay dowladda deeq waxbarasho u dirtay oo lagu xayiray Addis Ababa

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Arday tiradoodu gaareyso 70 oo ay xukuumadda Soomaaliya deeq waxbarahso ugu dirta Itoobiya ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu xayiray garoonka diyaaradaha Addis Ababa.

Sababta keentay xayiraada ayaa waxaa kasoo baxaya warar is-khilaafsan. Xogaha qaar ayaa ku doodaya in ay salka ku hayso in aysan wadan dal ku galkii, halka kuwa kale ay ku qeexeen "dhibaato dhanka tacliinta ah".

Kadib markii xayiraadda lagu sameeyay isla markaana muddo saacado ah ay ku xayirmeen madaarka, ardayda qaarkood ayaa baraha bulshadda ku baahiyey qoraalo ay ku muujinayaan caradooda.

Durbadii markii ay soo if-baxday arrintaan ayaa waxaa si rasmi ah uga hadashay dowladda federaalka ah oo ku fasirtay xayiraadda mid ka dhalatay "is-fahamo daro".

Cumar Guuleed, wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashadda, ayaa tilmaamay in ardaydu codsadeen isla markiiba ay ka dageen garoonka dal ku galkii muujinayay in ay yihiin arday deeq waxbarasho ku timid.

Balse dal ku galkaas ayaa waxaa lagu bixiyaa gudaha ee ma ahan garoonka, sidaas waxaa yiri Cumar oo u waramay Radio Kulmiye ee Muqdisho oo uu siiyey wareysi gaar ah oo uu kaga faaloodey dhacdadaan.

"Waxbarashadu in la siyaasadeeyo maahan, waxbarashadu waa nolosha bini'aadamka," ayuu hadalkiisa ku daray, isaga oo waalidiinta u sheegay "in aysan walwalin oo ay ardaydoodu la fasaxay".

Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya, qunsulka safaaradda iyo mas'uuliyiinta ka socda Wasaaradda Waxbarashadda oo ku baxay arrintaan ayaa ku guuleystay in ay xaliyaan isla markaana ay ardayda ka baxaan garoonka.

Sanadkii hore ee 2018-kii ayaya ahayd markii sidaan oo kale Arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ay dowladdu ugu qaadey Itoobiya ay la kulmeen xayiraad noocaan ah, inkasta oo kolkii dambe la dhameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM