Askari saaxiibkiis ku toogtay Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Iyadoo dilalka ay ku lug-yeeshaan askarta ay kordheen, fal kale oo naxdin ah ayaa laga soo wariyey degmada Dharkeenlay ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Habeenimadii Talaadada, 28-ka Janaayo, 2020, askari ayaa la sheegay in uu xaafada Kaawo Godey ku dilay wiil ay saaxiibo ahaayeen kaasoo magaciisa lagu soo gaabiyey Munasar.

Toogashada ayaa ka dhacday goob bulsho ah, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal kala duwan oo meesha ay ka dhaceen ka akdhowaa.

Illaa iyo haatan ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa khaarijinta oo lagu tilmaamay in ay ahayd mid ku dhacday "si lama filaan ah".

"Marxuumka wuxuu askariga, oo ay saaxiibo ahaayeen, isugu duubay si kalsooni leh isagoo kaga yimid gedaal," ayuu yiri goobjooge ka gaabsaday magaciisa sababo ku aadan in uu u baqayo naftiisa.

Wuxuu ku daray: "Kadib askariga wuxuu lasoo baxay Bastoolad, isagoo aan hubsan qofkuu yahay ayuu xabada ku dhuftay isla meesha ayuuna ku geeriyoodey".

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warantay in ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo meesha ay wax ka dhaceen tagay ay xireen askariga, oo wajahaya su'aalo waydiin.

Munasar, oo ahaa wiil dhalinyaro ah isla markaana ku biiray liiska da'yarta ku baxay gacanta ciidamada qalabka sidda, ayaa la tibaaxay in uu ka shaqeynaayey Maktabad lagu iibiyo Buugaagta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM